Ra’isulwasaare Cabdiweli oo magacabay sii hayaha xilka Wasaaradda Amniga.

0
200

Kaddib markii 24kii bishan xilkii wasaaradda Amniga qaranka uu iska casilay wasiirkii hore u hayay ee Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa kulamo iyo wada tashiyo badan kaddib Ra’iisul wasaaraha Dawladda Federaalka Somaliya uu magacaabay sii hayaha xilkaas.

Ra’iisulwasaaraha ayaa xilkaas waxa uu u magacabay Wasiirka gaashaandhigga Dawladda Federaalka Soomaliya Maxamed Shiikh Xasan Xaamud.

wasiirka gaashaandhigga xaamud

Wasiirka gaashaandhigga ayaa sii hayaha wasaaradda Amniga loo magacabay inta dib loogu soo magacabaayo.

Ra’iisulwasaaraha oo hadal kooban jeediyay magacaabistaas kaddib ayaa sheegay in Wasiirka gaashaandhiggu uu xilkaas si ku meel gaar ah u sii haynayo inta loo soo magacaabayo Wasiir rasmi ah.

Si kastaba jagada uu baneeyay wasiirkii hore ee amniga ayaa iminka waxaa tartan ugu jira musharixiin kala duwan oo doonaya in ay isu soo taagaan jagadaas, lase arki doonee cidda ku soo baxda.

Idale News Online, Muqdisho.