Ra’isul Wasaare Shirdoon iyo Xubno uu Hoggaaminaayo oo gaari doona Dalka Yemen

0
187

1239378_10151819740886730_1108910186_n

 

Waxaa lagu wadaa in Ra’isul wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Saacid iyo wafdigi uu Hogaaminaayay dhawaan u ambabaxaan Dalka Yemen, iyagoona ka dhamaaday Dalka Djibouti, ka gadaal markii ay Booqasho shaqo ku joogeen Dalkaasi Djibouti.

Afhayeenka Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Somalia Ridwaan Xaaji Aayaa waxa uu bartiisa Facebooga kusoo daabacay in Ra’isul Wasaare Shirdoon uu soo gabagabeeyay socdaalki Jabouti una duuli doono Dalka Yemen si uu halkaasi kulamo kala duwan ugula yeesho Madaxda Dwladda Yemen.

Qoraalka Afhayeenka Xafiiska Ra’isul wasaare Saacid ayaa waxaa kamid ahaa ‘’Booqashadii Rasmiga ahayd ee Ra’isul Wasaaraha Somalia iyo Wafdigiisu ay ku joogteen Djibouti si wanaagsan ayay kusoo dhamaatay. Goor-dhow waxaa wafdiga u bilaaban doonta booqashadii kale ee rasmiga ahayd ee dalka Yemen’’ Sidaa waxaa yiri Ridwaan Xaaji.

Ra’isul wasaare Shirdoon, ayaa waxa uu mudooyinkaani socdaalo ku maraayay dalal badan waxaana la filaaya in Socdaalkiisa uu kusoo idlaan doono Dalka Yemen.

Ugu dambeyntii, Socdaalka Ra’isul Wasaare Shirdoon iyo Wafdigiisa ayaa waxa uu qeyb ka yahay socdaalo uu dhawaan ugu ambabaxaayay dalalka Caalamka taa uu Dhaqaale ugu aruurinaayay Dowladaha dariska la’ah Somalia si waxbadan looga bedelo dhaqaale xumida heysata Xukuumadda Somalia.

Idale News Muqdisho