Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka, Md. C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa xalay Kulan Khaas ah la yeeshay Saraakiisha Ciiddanka Dowladda iyo kuwa Hawlgalka AMISOM.
Ilo ku dhowdhow Kulankaasi sheegayaan in looga hadlay Hawlgalladdii ugu dambeeyey ee ay Ciiddamadda Dowladda iyo kuwa Ethiopianka ku qabsadeen dhowr Degmo oo ka tirsan Gobalka Bakool.
Ilo-wareedyadda waxay kaloo sheegeen inuu Ra’isul-wasaaraha kala hadlay Saraakiisha isku-dhafka ahaa sidii loo sii wadi lahaa Hawlgalladda ka dhanka ah Xarakadda Alshabaab.
Ra’isul-wasaaraha oo Weriyayaasha la kulmay markii uu Kulankaasi idlaaday ayaa ugu hambalyeeyey Ummadda Soomaaliyeed guusha ay Ciiddanka Qaranka iyo kuwa AMISOM ka gaareen dagaalladdii maalmahan lagula jiray Dagaalyahannadda Alshabaab ee ku sugan qeybo ka mid ah Goballadda Gedo iyo Bakool.
Waxa uu tilmaamay in Hawlgallo qorsheysan lagula wareegay Degmooyinka Xuddur, Waajid, Rab-dhuuro iyo Buur-dhuubo, wuxuuna xusay inuusan jirin wax khasaaro ah oo Ciiddanka Dowladda soo gaaray, marka laga reebo hal askari oo ku dhaawacmay iska-horimaadyadaasi.
Ra’isul-wasaaraha waxa ka digay inay Xarakadda Alshabaab qorsheynayso qaraxyo ka dhaca magaalladda Muqdisho, wuxuuna ugu baaqay Hay’adaha Ammaanka inay feejignaan dheeri ah muujiyaan, waa sida uu hadalka u yiri.
Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha waxa uu ugu baaqay dadweynaha ku nool Degmooyinkii dhawaan laga saaray Xooggaga Xarakadda Alshabaab inay la shaqeeyaan Ciiddanka Dowladda oo uu xusay inay u soo gurmadeen.
Waxa uu ugu dambeyntii ugu baaqay Dhallinyarradda ka tirsan Xarakadda Alshabaab inay Dowladda isku soo dhiibaan, isagoo xusay in la soo dhaweynayo, lana baro shaqooyin noloshooda waxtarta.
Idale News OnLINE, mUQDISHO.