Ra’isul wasaaraha Turkiga Talaabo ceynkee ah ayuu ka qaadi doonaa Shaqsiyaadka rabshadaha ka wada Dalkiisa

0
183

jjj

Waxaa muddo bil ah Caasimadda dalka Turkiga ee istambuul ka socda dibad baxyo loogaga so horjeedo in lugu dhiso gob fagaro ah oo loo soo dal xistago dibad baxyadasi ayaa waxa ay noqdeen kuwa rabshado watan oo ay dowlada dalka Turkigana ay latacaleyso sidii ay u kalla kaxeyn lahed dadka Mudaharaadaayo.

Rai’isul wasaraha dalka turkiga ,Rajab Dayib Ardugan ayaa dibad baxayaasha lahadlay isagoona u sheegay inay qaboojiyaan xiisada lagana aqbali doono dalabkoodi ahaa in an ladhisin gobtasi Taariikhiga ah.

Gobta ay ka alool-santahay rabshadaha dibad baxayasha ay wadaan ayaa waxaa soo garay Fananka Caanka ah ee Turkiga ay ugu jecel yihiin, asgoona kacodsaday dibad baxayaasha in ay is dajiyaan loona yeelay dalabkoodi ay u gud bisteen Dowlada oo hur mudka kayahay Erdogan .

Dhanka kale Ra’isul wasaaraha Turkiga ayaa boqday magaalo ay ubadan yihiin Tageerayashiisa una shegay in dibad baxayada ka socda Casimadda istanbuul in ay kadanbeeyan dad Ajnabi ah ku nool dalka Turkiga oo dooneynin in lagaro horomar guda iyo dibad ah.

Sanadihii ugu danbeeyay ayaa Xukuumada Tukiga waxaa ay usoo jesatay in ay xariro lasameysato Wadamada Qarada Afrika ku yalla ay Soomaliya ugu horeyso waxaa ayna  xiriir wanagsan lasoo xiratay wadamo dhulkoda hodan ah sida awalba aan soo xusay Soomaliya,Murataniya, Namiidiya , Sudan , inkastoo wadamada reer Galbeedka in dhaha ku haynin xaga Siyaasadda.

Waxaa weli lugu soo waramayaa mudadii ay bilameen rabshadahasi in ay ku geeriyoodeen Afar qof ayna Ciddanka kahortageen rabshadaha ay dadk kulla kaxeyan biyaha kulelka iyo gaaska dadka ka ilmeeya rabshadihii ugu danbeyay ayaa waxaa ay shacabka adeegsanayeen Ubaxyo ama Fiyoorayaal ay ku tuurayen Ciidanka kahortaga Rabshadaha ee ku sugan fagaraha berta uu rabshadaha ka socdaan.

Shacabka Soomaliyeed ma iloobi doonaan abaalkii ay u gashay Dowlada Turkiga makana soo bixidonaan halkii looga bahnay.

Idale News Muqdisho