Raisalwasaaraha xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Degmada Qoryooley.
Raisalwasaaraha waxaa Degmada kusoo dhoweeyey Saraakiisha Ciidanka Dowlada Somaliya kuwa Amisom iyo maamulka Degmada Qoryooley. Raisalwasaaraha ayaa u kuurgali doona xaalada Amni ee Degmada Qoryooley, waxa uuna kulamo la leeyahay Saraakiisha Ciidanka kuwa Amisom iyo kan Degmada Qoryooley, Raisalwasaaraha ayaa u kuurgalaya xaalada Amni ee Gobolka Shabeelaha Hoose .
Shacabka ku dhaqan Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa dhib weyn ku qaba Ciidamo ku labisan dresska Dowlada oo dil, dhac kufsi intaba ku haya kuwaas oo aan u dhalan Gobolka.
Idale News Online Qoryooley.