Ra’iisul Wasaare Saacid oo dhismaha golahiisa cusub ay culeys dhinacyo badan ka soo wajaheen

0
213

Iyada oo Ra’iisul  Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Mudane Cabdi faarax Shirdoon Saacid looga fadhiyo inuu soo xulo gole wasiiro oo kooban oo leh karti iyo tago leh isla markaasna ku saleysan nidaamka awood qaysbiga ay dowladdu ku dhisan tahay ayaa waxaa soo ifbaxaya khilaaf hoose oo ka dhex aloosan madaxda sare ee dowlada, iyo sidoo kale digniino kale oo ka soo yeeraaya xubnaha golaha barlamaanka Soomaaliya oo sheegey inaysan codka kalsoonida siin doonin haddii Ra’iisul Wasaaruhu uusan fulin balantii uu balaaraanka hortiisa ka sheegey ee ahayd tirada xukuumadiisa cusub.

Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa weli ku howlan la tashayadii ugu danbeeyay ee uu ku soo xulanaayo golahiisa Xukuumada ayaa waxaa shaki iyo isqabqabsi ka muujiyey qaar kamid ah beelaha Soomaaliya.

Inkastoo Ra’iisul Wasaaraha cadaadis ka haysto tirada golahiisa wasiirada iyo miisaanka awood qaybsiga beelaha doonaaya in ka mid noqdaan golahiisa cusub ayaa hadana waxaa muuqanaya beelo isleh iskama dhex arki doontaan Gollaha wasiirada Cusub Sidoo kale Tirada laga dhigayo Golaha Wasiirada cusub ayaa waxaa soo baxaya digniino ka imaanaya Mudanayaasha Baarlamaanka iyo qeybaha bulshada, kaasoo ah in tirada lagu saleynayo Golaha ay noqon doonto 9-Wasiir kaliya.

Inkastoo kala aragti duwanaanshaha ay keentay inay dib u sii dhacdo mudadii la filayay in lagu soo magacaabo Golaha Wasiirada, isla markaana haatan waqtigu noqdo mid is gura, waxaana wali kala cadeyn tirada rasmiga ah ee uu noqonayo Golaha Wasiirada.

Waxaa jira aragtiyo kala duwan oo sheegaysa in Golaha Wasiirada laga dhigayo 10-Wasaaradood oo ah talo soo jeedinta Madaxweynaha, halka warar suuqeedyo ku jira magaalada ay sheegayaan in tiradii horay u aheyd ee 18-wasiir dib loogu noqon doono, si awood qeybsiga ay u noqoto mid jaan go’an, taasoo inta badan xubnaha barlamaanku daneynayaan codka kalsoonidana

Warar soo baxayay maalmihii u dambeeyay ayaa sheegayay inay diyaarsan yihiin qaar ka mid ah Wasiirada, iyadoo laga xusi karo shaqsiga loo wado Wasiirka Amniga Gudaha oo ka soo jeeda Beesha Sacad.

Wararka laga helaayo gudaha madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaaya  in ay jiraan is jiid jid wali ka taagan soo xulista Gollaha wasiirada, laakiin waxay ka gaabsadeen iney si toosa in ay carabka ugu dhuftan cida uu u dhaxeeyo is jiid jiidkaas.

Sidoo kale, Xasan Saad oo ka mid ah afhayeenka beelaha Hawiye iyo odayaasha beelaha kale ee Soomaaliyeed ayaa iyaguna siyaabo kala duwan uga hadley qaabka loosoo xulayo xukuumada cusub ee Ra’iisul wasaare Saacid.

Idale News Muqdisho