Ra’iisul Wasaare Saacid oo Culeys kaga yimid dhinacyada Madaxweyne Xasan iyo Prof Jawaari, loona gudbiyey warqad ah inuu codka kalsoonida weydiisto Barlamaanka bishaan 26keeda

0
189

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa loo gudbiyay warqad looga dalbanayo inuu ku horyimaado Baarlamaanka 26-ka bishan, si codka kalsoonida loogu qaado Xukuumadiisa.

Warar ay heleyso Idale News Online ayaa sheegaya in Gudoonka Baarlamaanka uu u gudbiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha warqada looga dalbanayo in Baarlamaanka ku hor yimaado, si codka kalsoonida loo siiyo ama loo diido.

Saacid_shirdoon

Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn warqada sida tooska ah ugu socotay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha inuu ahaa mid mooshin ama si gaar ah uga timid Gudoonka Baarlamaanka ayaa la sheegayaa in tani qeyb ka tahay guux maalmihii la soo dhaafay ka imaaneysay Mudanayaasha Baarlamaanka.

Qaar ka mid ah Mudanayaasha baarlamaanka ayaa maalmihii la soo dhaafay u jeedinayay Xukuumada Ra’iisul Wasaaraha in aanay waxba ka qaban ammaanka dalka, isla markaana hadii ay timaado isku shaandheyn loo baahan yahay in meesha uu uga baxo Ra’iisul Wasaaruhu.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa u xaqiijiyay Idale News Online in Ra’iisul Wasaare Saacid uu dhowr cisho ka hor Madaxweynaha u gudbiyay warqad ay ku qornaayeen liiska golaha wasiirada ee isku shaandheynta lagu sameeyay, taasoo Madaxweynuhu ku soo celiyay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa lixdii bishan ku dhawaaqay inuu isku shaandheyn ku sameynayo Golihiisa Wasiirada, waxaana tan iyo wixii ka dambeeyay isa soo tarayay is maandhaafka u dhaxeeyay isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya.