Ra’iisul wasaare Saacid iyo Ergiga UN-Somalia oo ka hadlay Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee xarunta UNDP Somalia

0
182

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo ay wehliyaan qaar ka mid ah Wasiiradiisa ayaa la kulmay Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Somalia Nicholas Kay, isagoo uga tacsiyadeeyay weerarkii maanta lagu qaaday Xarunta UNDP.

Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka, isagoo ku tilmaamay mid fulaynimo ah oo aan dib u dhigi doonin dadaalada dowladda ugu jirto xaqiijinta ammaanka Soomaaliya.

Mr Saacid ayaa uga tacsiyadeeyay Ergeyga Qaramada Midoobey shaqaalihii ku dhintay weerarkaas, waxaana uu ugu shacabka inay is dejiyaan, ayna dowladdu qaadi doonto tallaabooyin lagu xaqiijinayo ammaanka.

“Ciidanka qaranka ayaa si geesinimo leh uga jawaabay ficilkan axmaqnimada ah waxayna ka hortageen khasaaro intaas ka badan, ciidankuna waxay u taagan yihiin difaaca shacabkooda, Hay’adaha QM waxay diyaar u yihiin u dhabar adeegida ficilada ay gaysanayaan argagaxisadu, laakiin Al-shabaab ma hor istaagi karaan hanaanka nabad ku soo dabaalida dalka, ma joojin karaan dib-u-kabashada, rabshaduhuna ma guulaysan doonaan”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid.

Dhanka kale Ergayga gaarka ah ee QM Nicolas Kay ayaa dhankiisa sheegay inuu soo dhaweynayo tacsida qaran ee dowladda iyo garab istaagooda, waxuuna si xoog leh u cambaarayey qaraxii lala eegtay maanta xarunta QM.

“Hay’adaha QM waxay dalka u joogaan sidii ay caawin lahaayeen dadka Soomaaliyeed, mana niyad jabinayso qaraxyadii maanta lagu qaaday xarunta QM, waxaana halkaan uga tacsiyeeynayaa dadkii ku geeriyooday qaraxyada oo isugu jira Soomaali iyo shaqaale Ajanabi ah, ficilkaana ma ahan mid naga hor istaagaya inaan Soomaaliya ka sii shaqayno” ayuu yiri Nicolas Kay

Ergayga qaramada midoobay ayaa hoosta ka xariiqay inay si xowli ah ku sii socon doonto garab istaaga dowladda Soomaaliya.

“Dowladda Soomaaliya ayaa hormuud ka ah shaqooyinka aan u joogno dalka, waxaana diyaar u nahay in markasta kula shaqyano duruufaha adag ee soo wajaha shaqada aan u hayno shacabka Soomaaliyeed, waxaana halkan uga mahad celinayaa ciidanka Soomaaliya iyo shaqaalaha QM oo ku jiray xarunta oo badbaadiyey dad faro badan” ayuu yiri Nicolas Kay.

Weerarkii is qarxinta ee maanta oo arbaco ah lagu qaaday Xarunta UNDP ayaa waxaa ku dhintay ku dhowaad 15-ruux oo afar ka mid ah ay ahaayeen shaqaale ajaaniib ah.