Raysul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay dowlad ka kooban 10 wasiir.
Hoos ka akhri liiska magacyada wasiirrada cusub.
1- Marwo Fowsiya Yuusuf X. Aadan: Raysul wasaare ku xigeen, ahna wasiirka arrimaha dibedda (Isaaq/Habar Yoonis)
2- Mudane Cabdullaahi Abyan Nuur: Wasiirka Garsoorka, Arrimaha Diinta & Awqaafta (Dir)
3- Mudane Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi: Wasiirka Gaashaandhigga (Digil/Dabare)
4- Mudane Cabdikariim Xuseen Guuled: Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka. (Habar Gidir/Sacad)
5- Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan: Wasiirka Maaliyadda & Qorsheynta (Majeerteen)
6- Mudane Cabdullaahi Ciil-Mooge Xirsi: Wasiirka wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta (Ogaadeen/Cawlyahan)
7- Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed: Wasiirka wasaaradda Khayraadka Dalka (Xawaadle) member of Somali Canadian Diaspro Alliance, xubin sare Isbaheysigii Dib u xoreynta ee Sheikh Shariif
8- Mudane Muxyadiin Maxamed Kaalmooy: Wasiirka wasaaradda Howlaha Guud (Jareer Weyne) – qunsulkii Safaarada Somalia ee LIbya)
9- Marwo/Drs Maryan Qaasim Axmed: Wasiirka Horumarinta Adeegga Bulshada (Beesha 5aad)
10- Mudane Maxamuud Axmed Xasan (Dalab): Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha (Mirifle/Sagaal/Hadamo)
Liiska ayaa ka muuqda 3 wasiir oo ka mid ah golihii Farmaajo, kuwaas soo kala ah: Maryan Qaasim Axmed, Fiqi iyo C/hi Abyan Nuur.