Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Sheikh oo wada isku shaandheyn golihiisa wasiirada ah

0
239

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay shabakada Idale News ayaa sheegaayaa in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed uu  wado qorshe uu doonaayo markii ugu horeysay inuu isku shaandheyn ballaaran ugu sameynayo Golihiisa Wasiirada, iyadoo ay seefta qaadi doonto Wasiiro muhiim ah.

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heleyso Idalenews.com ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha oo safar dibada ku maqan, isla markaana hada ku sugan dalka Turkiga uu qorsheynayo marka uu maalmaha soo socda uu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho inuu isku shaandheeyo Golihiisa Wasiirada.

Ilo og ogaal ah oo ka gaabsaday magacyadooda ayaa u sheegay Idalenews.com in Ra’iisul Wasaaraha uu uga gol leeyahay tallaabooyinkan inuu ku baajiyo mooshin ka dhan ah oo la doonayo in laga geeyo Baarlamaanka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in isku shaandheyntan ay saameyso Wasiiro aad ugu dhow Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

abdiwaliKenya

Guux badan ayaa ka jira magaalada oo ku aadan mooshin la hadal haayo, iyadoo shirar gaar gaar ah ay ka socdaan Hotelada qaar, kuwaasoo ay leeyihiin Xildhibaano iyo shaqsiyaad kale duwan oo kar-karinaya mooshinka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ra’iisul Wasaaruhu uu doonayo inuu ciyaaro doorar kala duwan, si uu u yareeyo awoodaha dahsoon ee ay Xukuumadiisa ku leeyihiin Wasiiro qaar ah, si taasi u baajiso gulufka iyo is xulufeysiga ka socda Baarlamaanka gudihiisa.

Lama oga saameynta ay arrintan reebi doonto iyo in mar kale dib u soo laaban doonto muranadii xaga siyaasadeed, waxaase dad badan ay hadal hayaan in arrimaha socda ay wax un ka hirgeli karaan, marka ay timaado is qab qabsi noocaan oo kale ah.

Xafiiska Wararka Idale News