Xisbiga haya talada dalka Turkiga ee AK ayaa RW Tayyip Erdogan u sharaxay inuu noqdo musharaxa xilka madaxweynaha Turkiga doorashada fooda inagu soo hayso.
RW Tayyip Erdogan oo xilka soo hayay ilaa 2003-dii ayaa sharciga uyaala Xisbigu ka mamnuucayaa inuu markale isu soo taago xilka Raysulwasaaranimada dalka Turkiga.
Inta aan wax badan laga bedelin Dastuurka dalkaasi u yaala, Madaxweynaha dalka Turkiga waxaa soo dooran jiray Baarlamaanka balse hada doorashadan waxaa si toos ah usoo dooran doona shacabka. Sidoo kale xilka madaxweynaha dalka Turkiga wuxuu ahaa mid magac uyaal ah balse hada arintaas isbadal ayaa ku imaan doona.
Doorashada ayaa dhici doonta Bishan soo socota ee August 2014
Idale News Online Turkey