Muqdisho:Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed, ayaa sheegay inay xoojinayaan dagaalada ay kula jiraan Ururka Al-Shabaab, sanadkaan 2014 ay doonayaan in guud ahaan dalka ay ka saaraan Xoogaga Shabaab.
Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda oo Wareysi gaar ah siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da, ayaa sheegay in sidoo kale ay ku dadaalayaan xaqiijinta ammaanka.
Wuxuu xusay inay ka hortagayaan falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka ee ay Shabaab ka geystaan Magaalada Muqdisho, waxaana uu Ra’iisul Wasaaraha sheegay in qorshaha xukuumadda sanadkaan uu yahay xasilinta guud ahaan xaalada ammaan ee dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay arinta ku aadan shirarka ka socda Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay, ee looga hadlayo maamul usameynta Gobalada Koonfureed ee dalka Soomaaliya, waxaana uu sheegay in Dowladiisa ay taageersan tahay in dadka wadahadlaan oo ay aayahooda ka tashtaan.
C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa ka hadlay dhaq-dhaqaaqyada ku aadan in ciidamada Kenya ay ka baxayaan Gobalada Jubbooyinka, waxaana uu sheegay inay jiraan dhaq-dhaqaaq noocaasi ah balse uusan ka bixin karin faah-faahin buuxda oo ku aadan arimaha ciidanka.
Xukuumadda curdanka ah ayaa hadalhaysa in sanadka 2014 ay sameyn doonto isbedel muuqda oo ku aadan hanaanka amniga iyo Dowlad wanaaga dalka.
Idale News Online, Muqdisho