Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta kaga dhawaaqay magaalada Muqdisho gudi gaar ah oo madax banaan, kaasoo baaritaan ku sameeya dilalka loo geysto suxufiyiinta iyo kufsiga Haweenka.
Hadalkan ayuu Ra’iisul Wasaaraha ka sheegay markii uu kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee Ururada bulshada rayidka, iyadoo gudigan uu ka kooban yahay 13-xubnood oo dhamaan xubno ka ah qeybaha kala duwan ee Ururada bulshada.
Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa sheegay in gudigan ay soo baari doonaan suxufi kasta oo Muqdisho lagu dilay, sababaha loo dilay, iyadoo cidii lagu helo dilalka suxufiyiinta uu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in tallaabad cad laga qaadi doono.
“Waxaa sameynay oo aan iska kaashanay gudi heer sare ah oo talo naga soo siin doona xaqiiq raadinta la xiriirta kufsiga iyo dilka wariyeyaasha oo maalmahan si gaar ah xanuun nagu heysay”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo intaa ku daray in gudigan aanay laheyn wax awood ku saleysan, balse ay u xusheen tayadooda, aqoontooda iyo inay yihiin wax ku oolka bulshada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in afartii bilood ee u dambeysay ay is bedel ka sameeyeen sidii wax walba ahaan jireen, gaar ahaan dhinaca xuquuqda aadanaha, isagoo tilmaamay Xukuumada ay ku dadaali doonto sidii ay u dhowri laheyd xuquuqda Suxufiyiinta iyo dumarka.
Gudigan gaarka ah ee loo magacaabay inay soo baaraan tacadiyada loo geysto dumarka iyo dilka wariyeyaasha ayaa ku soo aadeysa, iyadoo maanta Maxkamada Gobolka banaadir ay xukun hal sano ku riday Wariye C/casiis Koronto oo wareystay haweeney dhibane aheyd oo sheegtay in la kufsaday.



