Ankara(INO)-Warbaahinta dalka Turkiga ayaa hadal haysa in R/wasaaraha dalkaasi Axmed Daa’uud Ooglow Ayaa casilayokadib markii ay is khilaafeen R/wasaaraha iyo M/weynaha dalkaasi.
Wada hadalo la doonayay in lagu dhameeyo khilaafka M/weynaha iyo R/wasaaraha Turkiga ayaa fashil ku dhamaaday waxaana lagu wadaa in maantaba R/wasaaruhu xafiiska ka tago.
Telefishada dalka Turkiga ayaa baahiyay waxa uu ku saabsan yahay khilaafka madaxda dawlada Turkiga haddana xubnaha Xisbiga AK Party ayaa maanta kulmaya si arrintaan xal uga gaaraan.
Idale News Online, Ankara