Ra’iisal Wasaaraha oo ku sugan Magaalada MarkaCaddey iyo qarax khasaaro geystay oo ka dhacay.

0
185

Waxaa uu qarax khasaaro geystay ka dhacay Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo ay baxsadeen laba nin oo la rumeysan yahay in ay qaraxaasi geysteen.

Qaraxaan oo ka dhacay xaafada Ruuziyo ee Magaalada Marka, ayaa waxaa lagu dilay kaba ka mid ah Booliska ka hawlgala Magaalada Marka, waxaana qaraxa loo adeegsaday bambo gacmeyd.

Ciidan kaloo ka tirsan Dowladda oo ku baxay halka uu qaraxu ka dhacay, ayaa waxay ka sameeyeen baaritaano, walow ay baxsadeen kuwii qaraxa geystay.

Maamulka Degamda Marka kama hadlin qaraxa khasaaraha geystay ee ka dhacay Magaalada Marka, xilli uu galabta booqasho ku jooggo Ra’iisal Wasaaraha Somaliya.

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa wuxuu caawa ku hooyan doonaa Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, sida uu maanta sheegay Gudoomiyaha Magaalada MarkaCaddey.

RW.Cabdiwali

Idale News Online, Marka.