Baydhabo(INO)- Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay dadkii ka danbeeyey dil dhawaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay loogu geystay Wadaad caan ahaa iyo wiil uu dhalay.
Wasiirka Macdanta iyo Biyaha ahna gudoomiye ku xigeenka gudiga amniga maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Aadan Xasan Maxamed Usaama ayaa u sheegay Warbaahinta Idale News Online in ciidamada amniga magaalada Baydhabo ay ku guuleysteen soo qabashada gacan ku dhiiglayaashii dilay wadaad si weyn looga yaqaanay gobolka Bay.
Aadan Xasan ayaa sheegay in ciidamadu ay soo qabteen nin uu sheegay inuu falal dhac ah ka waday gudaha Baydhabo,wuxuuna tilmaamay in markii ninkaa xabsiga la dhigay uu qirtay in isaga iyo Labo ruux oo kale ay ka danbeeyeen dilka wadaadka.
Wasiirka macdanta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa tilmaamay iney gacanta ku hayaan Labo kamid ah ragii dilay wadaadka halka midka kalane ay ku raadjoogaan,wuxuuna xusay in ragani ay wadaadka u dileen si ay u dhacaan Dukaan uu lahaa oo ku yaallay aqalkiisa hortiisa.
Wuxuuna carrabka ku adkeeyey in ragani sharciga la horgeyn doono laga qaadi doono tallaabada ku haboon,isagoona dhanka kale sheegay in amniga magaalada Baydhabo uu xiligan yahay mid aad wanaagsan.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.