Istanbul(INO)-Madaxweynaha Turkiga Rajeb Tayib Erdogan ayaa ku dhawaaqay in dowladiisa ay ka hirgelin doonto magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya isbitaal loogu tala galay hooyada iyo dhallaanka.
Qudbad dheer oo uu shalay ka jeediyey furitaanka Shirka heerka sare ee diirad saaridda Soomaaliya ee ka socda magaalada Istanbul, ayuu ku sheegay Mr. Erdogan in Turkiga uu sii wadayo howlaha dib u dhiska iyo horumarinta dalka Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in isbitaalka oo dhawaan la furi doono ay baaxadiisu noqon doonto mid qaada ilaa iyo boqol sariir.
“Magaalada Muqdisho waxaan ka dhisnay safaarada ugu weyn safaaradaha aan ku leenahay dibada, waxaan kale oo aan dhisnay Muqdisho Isbitaalka Tababarka iyo Cilmibaarista oo ah isbitaalka ugu weyn geeska Africa. Dhawaan waxaan furi doonnaa isbitaalka hooyada iyo dhallaanka oo lahaan doono ilaa iyo 100 sariir.’’ Ayuu yiri madaxweynaha Turkiga.
Sidoo kale madaxweynaha Turkiga oo kasii sheekeynaya dhinacyada ay Soomaaliya ka taageereen ayaa sheegay in ay dalka Soomaaliya u fidiyeen deeq waxbarasho oo ay ka faa,iidesteen ilaa iyo 1,000 arday oo Soomaalia ah, isaga oo intaasi raaciyey in ay wadaan howlaha dib u dhiska dalka.
Turkiga ayaa ah dalka ugu badan ee si toos ah iyo si aaan toos aheynba u saaciday Soomaaliya tan iyo burburki dalka Soomaaliya.
Magaalada Istanbul ayaa lagu wadaa in maanta lagu soo gaba gabeeyo shirka madasha heerka caalami ee diiradsaarida Soomaaliya kaasoo shalay ka furmay caasimada ganacsiga Turkiga ee Istanbul.
Idale News Online, Istanbul