Ciidankaan gaarka oo loo diyaariyey in ay fuliyaan howlgalo qorshaysan lagu qaadayo goobyo lagu tuhinsan yahay in ay ku dhuumaalaysanayaan maleeshiyaadka Nabad iyo nolal diidka ah ee Al-shabaab ayaa Xalay xili danbe booqasho dhirin galin ah iyo niyad dhis ah ugu tagey Ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudan Xasan Cali Khayre oo uu ku wehliyo taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya.
Ciidankaan oo lagu diyaariyey degmada dayniile ee Gobolka Banaadir ayaa isku jira Booliska xoogga Dalka iyo Nabad sugida kuwaa oo u diyaarsan sameeyaan howlgal lagu cirib tirayyo kooxda nabad-diidka Al-shabaab oo la helay xog ku saabsan meeloo ay ku dhuumaalaysanayaan si ay u diyaariyaan qaraxyo ay ku dhibaateen shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali ayaa warbixin ku aadan diyaar garowga ciidanka waxa ka dhageystay Sarakiisha hogaaminaysa waxaa uuna uu muujiyey tageero isagoo ku hadlayey magaca Madaxwaynaha.