R/Khayre oo xalay socod ku maray qaar ka mid ah Wadooyinka Muqdisho

0
178

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay kormeeray qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, isagoo u kuurgalay sida ay u socdaan howlgalada ciidanka amaanka.

Kormeerka waxaa Ra’isul Wasaaraha ku wehliyey Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, ku-xigeenadiisa, Taliyaha ciidanka Booliska iyo Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

Mudane iyo masuuliyiinta wehlinayey ayaa si gaar ah u kormeeray degmooyinka Xamar Weyne, Hodan,  Shibis iyo kuwo kale, waxaana sidoo kale Xeebta Liido ay kula caweeyeen shacab halkaasi ku sugnaa oo si nabad ah waqti ugu qaadanayey.

Raisul Wasaaraha ayaa dadka ganacsada xilliga habeenkii ka waraystay nolosha Magaalada, gaar ahaan amaanka waxaana uu ciidamada ku dhiiri galiyey inay adkeeyaan halwgalada lagu sugayo amniga caasimada.

Taliyeyaasha ciidanka Booliska ayuu Ra’iisul Wasaare Kheyre kulan kula yeeshay Xeebta Liido, kaasoo ku aadanaa sidii hawlaha nabadgalyada loo xoojin lahaa.

Kormeerka raisul Wasaaraha iyo Madaxda la socotay ayaa ku soo aaday xilli xalay Magaalada Muqdisho ay ka dhaceen falal isugu jiray dil iyo dhaawac loo geystay guddoomiye Waaxeed ka tirsan degmada Xamar-Weyne iyadoo masuul ka tirsanaa ragga la shaqeeya la dhaawacay.