Qusulka Kenya usoo magacaabatay Kismaayo oo hadal aysan ku farxin ku tilmaamay maamulka Axmed Madoobe. Muxuu yahay hadalkaasi?

0
211

Dowlada Kenya oo xirirka ay la leedahay  dowlada Soomaaliya uu dhawaan xumaaday ayaa waxay Kismaayo usoo magacaabatay nin lagu sheegay inuu yahay Qunsulka u qaabilsan Kismaayo, kaasi oo aan wax aqoonsi ah ka heysan dowlada Soomaaliya.

Qunsulkan ayaa mar uu la hadlayey warbaahinta magaalada Kismaayo kadib kulan uu la qaatay Axmed Madoobe iyo Abdiqani Abdi Jamac oo isku ah tarjumaankiisa ahna wasiiru dowlaha madaxtooyadiisa ayaa ku tilmaamay maamulkaasi mid ku eg Kismaayo.

Qunsulka ayaa isticmaalay ereyga HOGGAAMIYAASHA  KISMAAYO   mar uu ka hadlayey xilalka ay leeyihiin dadka uu la kulmay oo ay ku jireen Ahxmed Madoobe. Waxaana uu marna afkiisa soo marin magaca Jubba  taasi oo la yaab ku noqotay Ahmed Madoobe iyo howlwadeenada Maamulka Kismaayo

” Waxaan la kulanay hoggaamiyayaasha Kismaayo, kuwaasi oo aan kawada hadalnay arrimo dhowr ah. Waxaana qorshaneenu yahay in aan dhawaan xafiis ka furano Kismaayo kaasi oo wax badan ka qaban doono howlaha ammaan ee inaga dhexeeya iyo xirirka ganacsi ee Kenya iyo Kismaayo” ayuu yiri Qunsulkan aan sharciyada ka heysan dowlada Soomaaliya ee Kismaayo ay usoo dirsatay dowlada Kenya.

Dhinaca kale waxaa uu intaasi raaciyey in ay dowladiisa kala shaqeyn doonto Kismaayo iyo hoggaankeeda dhinaca ammaanka, iyaddoo maamulka Axmed Madoobe uu sheegto inuusan Kismaayo kaliya matelin balse dowlada Kismaayo ayaa sidaasi aaminsan.

qunsul-kismayo7

Idale News Online,Kismaayo.