Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama iyo xaaskiisa Michael Obama ayaa, Madaxweynaha Faransiiska Hollande oo dalkaas booqasho ku jooga u sameeyay, sooryo casho, oo lagu sheegay in ay tahay ta ugu hab mamuuska saraysa dalka Maraykanka.
Xafladan casho sharafta ayaa waxa kale oo lagu casuumay ilaa sadex boqol oo qof oo Maraykan iyo Faransiis isugu jira, waxaana xafladaas soo galay madaxweynaha Faransiska Oo aanay la socon haweenaydii inta badan lagu garab arki jiray ee uu dhawaan ku wacad furay, hasa yeeshee waxa ay u dhacday hab la isku hambalyeynayay.
Idale News ONline