Qoomiyada Tigreega oo muddo 22 sanno ah Dalka Itoobiya soo xukumaysay ilaa haddana awooda dalka gacanta ku haysa hase ahaatee geeridii Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalkaasi Atto Melez Zenawi kadib xilka ra’iisul wasaaraha wayday cadaadis ka yimid caalamka ayaa mar kale doorashada isku diyaarinaysa inay noqdaan Ra’iisul Wasaaraha dalkaas.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Itoobiya hadda haya ayaa ka soo jeeda Qoomiyad yar oo ka mid ah shacuubta Itoobiya balse raadinaya isbahaysi qoomiyadaha kale sida Qoomiyada Axmaarada Iyo Oromada.
Dhanka Kale, Hailemariam Deselam ayaa isaggu doonaya innuu awoodiisa ciidanka balaariyo isagoo isbuucan dhexdiisa helay in uu kala badali karo masuuliyiinta Ciidanka, sida Wargeyska Indian Ocean oo shaaciyay.
Siyaasiyiinta ugu culus qoomiyada Tigreega oo wali maamusha ciidanka, sirdoonka, Iyo dhaqaalaha dalka ayaa iyagu doonaya in doorshada Sannadka 2016 ay ku shubtaan oo ay helaan xilka madaxtinimo ee dalka.
Labo masuul ayaa si weyn loo hadal hayaa, waana Wasiirka Arrimaha Dibada ee Itoobiya, Dr. Tedros Adhanom Iyo Tewodros Hagos.
Khilaafka qofka noqon doona Melez Zenawi labaad ee Itoobiya ayaa Qoomiyada Tigreegu muddo dhex yaalay waxaana hadda go,aan sadeen in labadaas midkood xilka qaato isla markaasna la isku diyaariyo xukunka.
Haddii la waayo xukunkaas Qoomiyadda Tigreegu waxay aaminsan yihiin inay Itoobiya ka tashan doonaan Iyagoo uud ahaan iskugu tagi doona Gobalka Tigrey ee ay dagaan.
Idale News Online