Qormo:Federaal Xal ma u yahay Soomaaliya,hadiiba la qaato sidee ugu haboon in loo qaato?

0
395

Muqdisho(INO)-Federal Marka la hadlayo waxaa lagu macneeyaa Xukunka oo hoos loo dadajiyo, ayadoo awooda la siinaayo Gobolada, ayna jirayso Dowlad dhexe oo aanan awood badan lahayn, Soomaaliya markii ugu horeysay ee Federal waxaa lasoo hadal qaaday sanadihii xukunkii Daaqiliga ahaa ee xornimo gaarsiinta Soomaalida, waxaana watay dad uu horboodayay Aun Cabduqaadir Zobe oo ka yimid gobolada Bay iyo Bakool ayadoo lagu sheego ujeedkoodu uu ahaa inay gooni isu maamulaan maadaama ay u arkayeen in ay ka lahjad badalan yihiin Soomaalida kale, waxaase mahadi hakagaartee waxaa ka horyimid damacooda SYL madaxdeedii oo midnimada Soomaalida xooga saarayay una arkayay inuusan Faa,ido ulahayn Soomaliya maamulka Federaalka.

Maanta waxa Afartan sano kadib dib usoo nooleeyay Federaalka waa dad rabba xaqqdaro inay ku qaataan xaqq ay dad kale leeyihiin,Soomaalida waxay gashay dagaalo sokeeyo dhamaadkii Sideetamaadkii ayago dagaalkaas ujeedkiisu ahaa inay iska dulqaadaan Rajiim ay u arkayeen inuu sameeyay cadaalad daro baahsan, hase yeeshee marki xukunkii laga tuuray maamulkii waxa dhacay dagaaladii sokeeye oo waqti badan socday, dagaalkii laga dagaalamay xaqqdarada ayAa dad waxay qabaan in Xaqqdarada laga sii wado meeshii uu uga tagay rajiimkii Maxamed Siyaad Barre Aun, taas oo ah mid aanan keenayn inuu dhamaado dagaalka Soomaalida u dhaxeeyo.

Sida aan kor kusheegay hadii larabo in dhibaatada dhamaato waa in la iska iloobaa Federaal, sababtoo ah Federaal waxaa loogu tala galay dad aanan isku af iyo iskudiin iyo isku dhaqan aanan ahayn, hadiise lagu adkaysto in laqaato Federaal waa in loo qaataa sida uu yahay oo ah Maamul hoos loo dadajiyo oo macnaheedu tahay in Xukunka Shacbiga yeshaan, marka sideee ugu wanaagsan ee loo dhaqan galin karaa?.

  •  waa in dib loogu noqdaa sideedii Gobol ee Soomaliya kajiray xiligii xorriyada qaadata Soomaaliya, kuwaas oo kala ahaa

Banaadir, Alto Jubba, Basa Juba,Hiiraan, Mudug, Bari, togdheer iyo Waqooyi Galbeed, oo aanan lagu dhisin 18ka gobol ee la sheeg sheego kuwaas oo ku dhisan caddaalad daradii laga dagaalamay iyo qabyaalad aanan loo meel dayin.

  • in Tuulo kasta loo sameeyo maamul ay dadka doorteen, kadib dagmo kasta loo sameeyo maamul ay shacabka dagan tuulooyinka hoos tago dagmada ay soo doorteen, kadib gobol kasta uu yeesho maamul ay soo doorteen shacabka dagan degmooyinka hoostago gobolka, kadib markii lahelo maamul goboleed dhamaystiran oo ay shacabku leeyihiin inuu kubiiro maamul goboleedkii uu doono oo weliba la daris ah.

Waxaad moodaa marka in Dowlada uu hogaamiyo Xasan sheekh ay marin habaabinayaan Maamul usameeynta Gobolada Soomaalida, waxay kor ka keenayaan Maamulo gacan kurimis ah oo ay madax uga dhigayaan nin ay ayaga wataan ama dowladaha dariska ah, hadii ay arkaan in shacabku ay tashanayaan waxay kufuraan Dagaalo ay dabada ka riixiyaan, sida kii ka dhacay Guriceel, waxaana lagaari doonaa sida muuqata 2016 ayadoonan uusan dhismin Maamulka Gobolada dhexe iyo Hiiraan iyo shabeelada sare iyo shabeelada dhexe, taas oo ah ayaan daro ka dhigaysa Dowlada Xasan Sheekh Dowladii ugu ayaanka darnayd ee Soomarta Soomaaliya kadib Dagaaladii Sokeeye.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here