Qormo:Faarax Sheekh C/qaadir lagama guuleysan ee waa uu guuleystey

0
903

Odey saaxiibkey ah ayaa marki uu saakey waagu baryey igu qabtey Jidka Mak Al-Mukarama markaasuu I weydiiyey Su’aal igu adkaatey Jawaabteeda bal se aan ka fursan waayey in aan uga jawaabo , waxaa uu I weydiiyey Labada Xildhibaan ee isugu soo harey Doorashada Xilka Gudoomiye ku xigeenka Koowaad reeraha ay ka soo jeedaan ama qabiilkoda ? Markaas baa ku iri “maxaa ku faleysaa reerahooda ama Qabiilkooda “

Inta ii soo dhawaadey ayuu yiri walaal fadlan ii sheeg Ciida ay yihiin “ markii aan muddo ka meer meerayey ayaa waxaa markii dambe ku iri “ Waa laba nin Ilama adeer ah waana qabiilka reer Ow Xasan “ markii uu intaa iga maqaley ayuu hadana ii raaciyey “ Waayahay reer Ow Xasan yey galaan ?

Waa Su’aal kale oo aan aad ula yaabey markaas baan ku iri maxaa meeshaas u gaarsiineysaa “maya maya waxaan rabaa in aan ogaado Beesha ay ku sami qaataan “ waxaan ku iri “markii hore Hawiye ayey ahaayeen hase yeeshee hadda waa qolada Isbaheysiga ama beesha Shanaad “ inta qosley ayuu yiri “ Aleylahe waa Qolo aad u caqli badan waxay ogaayeen in aysan Hawiye waxba ka heleyn , midaasna waan ku taageersanahay”

Waxaa uu I weydiiyey adeer Dwladda Wasiiro ma ku lahayeen?

Waa Su’aal kale oo hadana Jawaabteeda aan dhibsadey hadana waxaan Go’aansadey in aan uga jawaabo ma garanayo Ujeedka uu ka leeyahay Weydiimahaas “ waxaan ku iiri Ninka Faarax ka guuleystey ayaa Wasiir ahaa “inta hore u boodey oo madax luxay ayuu yiri” ma Wasiir iyo Xilkaas miyey isku darsadeen “markaas baan ku iri “ Haa” waxaa dhab in ay yihiin qolo caqli badan oo Daanahooda yaqaan.

Waxaa uu sii Hadley oo waxa uu yiri “Adeer qolooyinkii wadankaan dagaalka u horseedey maxay caqaligaan ugu shaqeyn waayeen ,waa kuwaa iyaga oo aan qofna dagaal uga dhiman Xillalkaas Muhiimka ah heley marka waxay ahayd in sida ay u xisaabtameen Beeshaa in loo xisaabtamo, waxaana ku Tilmaami lahaa Reer ku dayasho Mudan .

Waan soo dhaqaaqyey nin kale oo odey ah ayaa isna I weydiiyey Su’aal ku saabsan maxaa kaaga baxay Loolankii Faarax iyo Muudeey markaas baan ku iri “ Adeer Faarax lagama Guuleysan ee waa uu Guuleystey “ inta uu ii soo dhawadey ayuu yri “ Iskoor baa looga adkaadey sidee ayuu ku guuleystey ? waxaan ku iri “ hadda ka hor ayaa Cayaaryahankii la oron jirey Maradoona ayaa inta aysan Bilaabay Ciyaar uu guul ku doonayey waxaa uu saaxiibadii ku yri

“Hadii aad Guul rabtaan aniga ma weerar tagayo oo kooxda iga soo horjeeda ayaa igu mashquuleysa marka adinka Shaqeysta sidii bay noqotey Maradoona ayaa kooxdii ku mshaquusey sidaa ayey Guul ku gaareen marka sow uma ega Sheekadii Muudey uu ku guuleystey oo Xildhibaanadii oo dhan ayaa waxay ku Mashqquuleen Faarax Shiikh Cabduqadir waayo Kor iyo Hoos waxaaa Guuleystey ina adeerkii uu Kubadda u Salaxay.

Mida kale Faarax xaqiiqda ma rabin Xilkaas waayo Mashraxnimadiisa gadaal ayey ka timid waana mid ay Taageerayaasha Xasan Shiikh ay ku kala ogaanayeen Codowgooda Saaxiibkooda iyo in ay ka qiyaas qaataan Guusha Xasan sheikh Doorashada Madaxweynaha taana waxaa ka garenayesa Labadii wareeg ee Faarax waxaa uu heley 94 iyo 93 oo Xitaa intii lagu maqnaa Fasaxa ama Salaada Faarax iskuma deyin in uu Xotxoto Xildhibaanada marka 94 Cod ee uu heley Faarax waa Guul weyn oo u soo hoyatey Xasan Shiikh marka loo fiiriyo Tirada Musharxiinta ee u tartameysa Kursiga Madaxweynaha kuwaa oo gaaraya 25 Xubnod bal adiga u qaybi inta soo hartey mid waliba waxa uu heli karo.

Xildhibaan Faarax Shiikh Cabduqaadir in uu guuleystey waxaa ka garaneysaa Khudbadiiisii uu jeediyey isagoo sheegey in Xilka uusan meel Dheer uusan ka aadin, marka waxaa kuu Cad in uu ahaa Faarax uu ahaa Maskaxdii ka dambeysey in uu Muudey Guuleysto ,dadka u kuurgala Siyaasada ayaa waxay leeyhiihin Hadii Faarax uu Guuleysan lahaa waa loo yaabi lahaa Xasan Shiikh waayo waxaa sii Kordhi lahaa Naceybka Taageerayaasha Xasan Shiikh marka Faarax lagama Guuleysan ee waa uu Guuleystey nin kale oo Taageersan Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa ku Tilmaamey Faarax “Hogaamiyaha Ruuuxiga”

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Idale News Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada IdaleNewsonline@gmail.com