Qormo Xiiso Leh: Sidee looga Gudbi Karaa Marxaladda Maanta Taagan? By: Osman Mohamed Moalin.

0
236

Assalamu-aleykum warahma-tulaahi-wabarakatuh-salaan kadib maqal aan ugu tala galay umadeena somaliyeed oo Dhowr iyo Labaatan Sano ka dib,Weli waxa aad mooddaa in dadka Soomaalidu aysan diyaar u ahayn in ay ka baxaan dhibaatada ay ku jiraan marka aad fiiriso habdhaqankooda gaar ahaan dadka Siyaasiyiinta oo aad moodda in aysanba dan ka lahayn Hooyooyinka iyo Caruurta Soomaaliyeed.

Sida aan ka warqabno dhamaanteen,Bini’aadamku waxa uu kaga duwan yahay Khalqiga intiisa kale waa Caqliga iyo garashada uu Ilaahay ku maneystay si uu kaga badabaado dhibaatooyinka soo foodsaara noloshiisa, Haddii ay ahaan lahayd dhibaatooyinka Dabiiciga ah iyo kuwa loo yaqaano Man-Madowga.

Markii uu Ilaahay abuuray Bini’aadamku,Waxa uu siiyey Caqli iyo garasho uu ku kala garto wax kasta oo ku hareereysan noloshiisa,Hadana waxa uu ugu daray Kitaab iyo Rasuulkii u sharxi lahaa, Si uu u ogaado waxa hagaajinayo noloshiisa iyo waxa halaynayo laakiin waxa aad moodda in dadka Soomaalid taas ka qaldan yihiin oo uusan Caqligooda shaqeynin.
Dadka Soomaalida oo uu Ilaahay siiyey Nimcooyin badan oo aan la soo koobi kareyn hadana ay yar tahay cid haysata Dunidan, Ayaa waxa ay dhex mushaaxayaan dhowr iyo Labaatan Sano dhibaatooyin aad u xanuun badan, kuwaas oo baabi’yey Dalkii,Dadkii iyo waxyabo kaloo badan, inkastoo ay jiraan Meelo yar oo yara degan,Waxa uuna qarka u saran yahay dalkoodii Sharafta lahaa in uu u kala gogo’o Gobolo yar yar oo ay maamulaan Dowladaha Dariska ah haddaanan Maanta laga hortagin. kala qibinta gobolada somaliyeed gar ahaan gobolo aan kala go-ikarin sida dhibatooyinka ka tagan koonfurta somaliyeed.

sidoo kale Dhibaatooyinka haysta dadka Soomaaliyeed ayaa waxa ay marayaan meeshii ugu xumayd abid gaar ahaan dhinacyada Siyaasadda,Amaanka iyo waliba Nolosha,Waxa ayna keeni karaan dhibaatooyinkaasta haddaanan Maanta la xalinin in la waayo dal Soomaaliyeed oo xor ah.Hadaba su’aasha meesha taalaa ayaa waxey tahay, Soomaalidu ma waxa ay ku qanacsan tahay dhibaatada ay ku jirto mise waxa ay garan la’dahay sidii ay uga bixi lahayd ?
Anigu markaan fiiriyey xaalka dadka Soomaaliyeed waxa ii soo baxday in aysan ku qanacsaneyn dhibaatada haysata Maanta balse ay ku adkaatay sidii ay uga bixi lahaayeen ka dib markii la waayey hogaamiyaal daacad ah oo u danqada diintooda, dadkooda iyo dalkooda, Hadaba hadaanan lagu qanacsaneyn dhibkan sidee looga bixi karaa ?
Intaanan ka jawaabin sida looga bixi karo dhibaatadan ku sii socoto Sanadkii Sodonan iyo 1aad, bal aan marka hore sheego wixii waxaan keenay oo sababta u ahaa si loo saxo ka dibna la isaga ilaaliyo inaanan mar kale lagu dhicin.Muddo dheer markaan ka fikiray sidoo kalena aad dib u milicsaday sida ay Soomaalidu u noolaayeen 50 Sano ee la soo dhaafay, in kastoo laigaga fican yahay tarikhda somaliyeed oo ay Joogaan codoyaal hoos ogaal ah,in yara aan ka tabtee waxaa ii soo baxay qodobadan oo ku wajahay cabirkeyga iyo sida muuqato:-

  • In Ilaahay lagu caasiyey,Sidoo kalena la diiday in lagu dhaqmo awaamiirtiisii ka dib ay caradani ka dhalatay.
  • In la baneystay dulmigii islamarkaana la isku gacansiiyey halkii ay ahayd in gacmaha la iska qabto
  • In si xun loo isticmaalay awooddii dalka,Sidoo kalena lagu takrifalay dhaqaalihii iyo waxyaabihii dadka ka dhaxeeyey.
  • in dad walalo ah laysku diro oo dhexdooda la dhigo masiibo iyo wax aan dinteena ogoleyn oo ka mid ah wax-yabaxa muslimiinta ka xishoodaan, sida qof islaam ah oo baneystay dhiiga qof kaloo islaam ah.

Qodobadaasi aan kor ku xusay iyo kuwa kale oo badanba waxa ay Soomaalida dhaxalsiiyeen meesha ay Maanta taalo ee sharafxumada iyo karaamada darida ah.Hadaba maxaa xal ah oo looga bixi karaa dhibaatadan na haysata ?

Xalku waxa uu ku jiraa gacmaha Ilaahay, tuhuma waxa uu ku jiraa gacmaha Umadda Soomaaliyeed, waa hadaan dooneyno in aan ka baxno dhibaatadan na haysata ee qatarta ku ah jiritaankeena Umadeed-Falanqeyn dheer ka dib waxaan Xalka u arkaa qodobada hoos ku qoran-:

  • In Alla loo toobadkeeno marka hore isla markaana lala yimaada afarta Shardi ee ay towbaddu leedahay.
  •   In si guud ay Soomaalida isu cafiso isla markaana uu qof kastaa iska wareejiyo wixii hanti ah oo uusan lahayn.
  •   In la joojiyo dhamaan dagaalada hadda socda iyo kuwa kale fooda soo ah-isla markaana la bilaabo wada-hadal rasmi ah oo lagu soo afjaro dhibaatada maanta ka taagan wadankeena somaliyeed,
  • In la qabto Shir weyne dib-uheshiisiin Qaran ah oo ay Soomaalida isugu timaado si dhab ahna loogu wada-hadlo. oo xaal sare looga gaadho.

Qodobadaasi kor ku xusan, Waa kuwa aan is leeyahay waa Xalka ugu muhiimsan ee looga bixi karo dhibaatada Maanta heysata Shacabka Soomaaliyeed,Sidoo kalena lagu badbaadin karo Hooyooyinka iyo Caruurta Soomaaliyeed ee ay Kenyaatigu ku silcinayaan Xeryaha Qaxootiga iyo wadamo kale oo afrikada ka mid ah sida manax-yaashii south africa.
Si loo badbaadiyo dadka Soomaaliyeed inta hartay, Waa in aan dhamaanteen u istaagnaa sidii loo raadin lahaa xal rasmi ah, islamarkaana loo badbaadin lahaa dalkan qarka u saaran in lala wareego ama uu baaba’o,Waana waxa ay ka digeen dad badan oo Waxgarad ah oo ugu danbeeyeey prof mohamed mukhtaar iyo waxgarad kaloo badan.

Haddii la waayo Dowlad Soomaaliyeed oo xoog leh oo ilaalisa danaha dadka Soomaaliyeed,Xitaa waxaa qatar ku jira dhamaan Soomaalida ku hoos nool Kenyaatiga iyo Xabashida waayo ma jirto cid looga baqo,Waxaana aaminsanahay haddii ay Jiri lahayd dowladda Soomaaliyeed oo xoog leh in aysan dhici lahayn wixii Islii ka dhacay oo kale
Gaba gabadii waxa aan ku talin lahaa si looga baxo dhibaatada haysata Shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana looga hortago qataraha soo socda Mustaqbalka cusub iyo midka fog,Kuwaas oo halis ku ah Midnimada Dalka iyo Madax banaanidiisa Waxaan soo jeedinayaa qodobka hoos ku qoran.

  • Maadaama aan Saaxiib iyo Walaal midna lahayn waa inaan Anaga isku tashaana oo xalisanaa arimaheena si taasi loo gaarana ama xaal looga helo, waxaa aan u baahannahay dhinac Sedexaad oo Soomaali ah oo u istaaga sidii ay u dhexdhaxaadin lahaayeen dhinacyadan isdiidan ee Soomaalida ah sida Dowladda Federaalka,Xarakada Al-shabab,Maamulada ka jira wadankeena somaliyeed oo haddii qaab wanaagsan loo adeegsado ama loo isticmaalo xaal dhab ah laga gaari karo. oo la wada hadalo sida dhabta axna loo isticmaalo federalka dalkeena ku jiro,

Haddise la diida sow ma’ahan, In dhibaatadan lagu sii jiro oo mida manta tagan iyo mid kasii fool-xun, ugu danbeyn waxaa loo baxan yahay in lagu wada dadaalo wax walba oo uu ku badbadi lahaa qof kastoo somali ah wana noo wada muhiim in aan isgarano oo masxaqdeena aan adeegsan.

Cismaan Mohamed Moalin

W/D:  Osman Mohamed Moalim.

Idale News Onlin,Lausanne, Switzerland