Muqdisho(INO)-Monty Roberts- Waa Muwaadin u dhashay Dalka Maraykanka waxuuna ku dhashey Magaalada Salinas ee Gobolka California dalka mareykanka Bishii May 14,keedii sanadkii 1935,kii.
Waa Nin heer wanagsan ka gaaray adduunyadda,waaguu yaraa ayuu ku hamiyi jirey male wanaagsan.Monty, Markuu dhiganayay dugsiga sare ayaa maalin maalmaha ka mid ah Macallin ka codsaday inay ardaydu qoraan qof walba wuxuu rabo inuu noqdo Mustaqbalka dhow, Monty wuxuu qoray inuu rabo inuu helo dhul aad u ballaaran oo uu ku xanaaneeyo fardaha lagu tartamo adduunka.
Markii uu Macallinkii eegay waxa uu ku haminaayo Wiilkan,wuxuu siiyay darajo aad u liidata, wuxuuna marmarsiiyo ka dhigay in Monty qortay shay caqliga ka fog isla markasna fikradiisu aysan ahayn wax soconaaya, waayo wuxuu yiri Macallinkii wiil faqiir ah ah ayaad tahay meeluu seexdo aan haysan halkee ka keenaysaa lacag intaas dhan ee aad dhulka intaas dhan ku gadanayso,ka dibna fardaha adduunka ugu qaalisan kusoo iibsaneyso,? Haddii xittaa aad riyoonayso wax macquul ah ayaa lagu riyoodaa ayuu macalinkii ku yiri wiilkii yaraa.
Macallinkii wuxuu mar labaad wiilkii siiyay warqaddii si uu fikrad kale ugu soo qorto, isagoo u sheegay inuu ku qorto wax macquul ah oo uu iska ilaawo tan doqonnimadda ah.
Dhiiranihii Monty-ahaa wuxuu warqadihii ku qoray erayadaan ”Macallin adiguna darajadaada fiican hayso, anigana riyadayda waalida kuula muuqata ayaan haysanayaa”.
Monty wuxuu dadaal dheer ka dib ka dhabeeyay riyadiisii,maantana wuxuu haystaa dhul aad u ballaaran, boqolaal fardo ah,wuxuna ku tababaraa boqolka qof ee daneeya farda fuulka..
Buugga Astaamaha qofka hanka sare leh. iyo qalinkii: Cabdi Fatax Cajab.