Qormo: Soomaali Yeey Ka Tahay Inanta Xildhibaanimada Ku Guuleysatay – Ilhan?

0
252

Muqdisho(INO)- Waa Arin aan ugub ahayn in aad maqasho ka sheekeynta qabiilka markii aad Joogto Soomaaliya, waana wax ay kuwada barbaareen dhalinyarada, waxaase iigu darneeed Maanta oo aan goob-joog ka ahaa meel laga shaaheeyo. Goobtaan waa Goob si aad ah u camiran waxaa isugu yimaadda Soomaali badan oo isugu jira rag & dumar weeyn iyo yarba.

Hadaba Iyadoo Maanta ay Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaliyeed ay kamid noqotay xildhibaanka Barlamaanka Minissota u matali doona degmada 60-B  ka dib tartan adag oo ay la-gashay mushariixiin kala duwan, sida haweeneyda mudada dheer kursiga haysatay ee lagu magacaabo Phyllis Kahn. Arintan waa arintii looga hadal heynta badnaa Maanta Goobaha Fadhi ku dirirka Soomaaliya, waxaana qof waliba ku faraxsanaa in Gabar Soomaaliyeed Xildhibaan ka noqoto Arlo dheer oo aan dalkeena ahayn oo aad nooga fog.

Ku faraxsanaanta waa laga wada sinaa balse arinka iigu cajaaibka badnaa waxa ay ahayd in ruux walbaahi Suaasha xigta Guusha ka dib ay ahayd YEEY U DHALATAY ILHAAN?

Ma jirin qof si rasmi u sheegi karay waayo meesha mahan meel sida wadankeena oo qofkastaahi garankaro xildhibaankasta marka magaciisa loo sheego. Waxaan aad ula yaabay arin dood dhalisay kadib markii nin ku dheereyo Qabiilka uu Yiri anaa aqaano gabarta waa ina hebel hebel waa reer Hebel, run ahaantii ninkaasi waxa u sheegay sax ma aheeyn mana aqoon gabadhaasi balse qabiilkiisa ayuu sharaf la raadinayay.

Dood dheer ayey dhalisay illaa gacan la iskula tago ka dib markii uu nin walba isaga qabiilkiisa u saarinayay gabadha, isagoo sumcad & sharaf u raadinayo Qabiilkiisa.

Marka laga so tago goobaha Fadhi ku dirirka xitaa waxaa jirta in guryaha shaashadaha laga daawanayay markii laga sheekeynayay Gabadhaasi ay caruurta reerka ay waalidkooda weydiinayeen Qabiilka gabadhaasi, waalidkii aan qaar waxa ay lahaayeen waa Soomaali halka kuwa kalena ay Qabiilkooda ugu sheegayeen.

Soomaaliya waa meel aad looga qadariyo qabiilka xitaa markii aad masaajidka ka aragto sheikh wacdigiisa laga yaabo la is weydiiyaa qabiilkiisa SUBXAANALAAH.

Waa arin inoo wada taallo inta Soomaalinimada ku danbeyso sidii ay Qabiilka, Qaranimada ugu badali lahaayeen.

W/Q:  Asad Abukar Ali (Asad Dhayow)

Email asaddhayow@gmail.com