Qoraha soomaaliyeed Xuseen Shiikh Axmed Kadare oo ku dhintay Muqdisho

0
242

Muqdisho: Allaha Unaxariistee waxa maanta ku geeriyooday Magaalada Muqdisho Xuseen Shiikh Axmed Kadare oo kamid ahaa Gudigii loo xilsaaray inay qoraan Farta Soomaaliga kaasi oo Caan ka ahaa Deegaanada ay Soomaalida Dunida kaga sugan tahay.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Dr Xuseen Shiikh Axmed Kadare ayaa Eheladiisa waxay inoo Xaqiijiyeen in Saaka uu ku dhintay magaalada Muqdisho islamarkaana mudooyinkii lasoo dhaafay uu Xanuunsanayey.

Marxuumka waxa la sheegay in mar caafimaad ahaan dalka dibadiisa loo qaaday hase ahaatee dib loogu soo celiyey dhawaan Muqdisho saakana uu naf baxay.

INAA LILLAAH WA INAA ILEYHI RAAJICUUN