Qoraa & safiir ugu cadcad dadka u sharraxan xilka gobolka Banaadir

0
216

Nairobi(INO)-Iyadoo ay sii kordhayaan hadal heynta ku saabsan xil ka qaadista Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayay soo baxayaan musharixiin jagadaasi u sharxan oo qaarkood ay ugu cadcad yihiin in xilkan loo magacaabo sida laga helayo Madaxtooyada Villa Somalia oo muddooyinkii danbe laga wado olole ka dhan ah guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

C/casiis Cali Ibrahim “Xildhiban” oo ka mida qorayaasha degan dalka Ingiriiska laakiin muddooyinkan danbe ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa ka mida musharixiiinta ugu cadcad ee xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, kadib markii uu taageero ka helay madaxtooyada. Qoraagan waxay madaxtooyada dejisay Hotel iyadoo qarashka ka bixineysa, waxaana taageero weyn uu ka heystaa mid ka mida marwooyinka madaxweynaha.

Cabdicasiis Xildhibaan iyo  Safiir Maxamed Cali America
Cabdicasiis Xildhibaan iyo Safiir Maxamed Cali America

Maxamed Cali Nuur oo ah Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya, waxaa marar badan loo saadaaliyay xilkan, haddana wuxuu ku jiraa liiska dadka ugu cadcad xilkaasi haddiiba ay dhacdo in xilka laga qaado Xasan Muungaab oo hadda yaqiinsaday inuu ku socdo jidkii uu maray saaxiibkii ka horeeyay ee Tarsan oo muddo sanad ka badan la hadal hayay in xilka laga qaadayo. Safiir Cali Ameerika ayaan wax taageero ah oo xoog leh ka heysan madaxtooyada laakin madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marar dhowr ah ku daray liiska ugu danbeeya ee kala xulashada.

Waxaa jira xubno kale oo iyana la hadal hayo inay ka mid yihiin musharixiinta laakiin ma aha kuwo caga badan ku taagan ama taageero ka heysta dhinacyada saameynta ku leh madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Xubnahaas waxaa ka mida Yuusuf Jimcaale iyo C/raxmaan Yariisow.

Dhinaca kale Guddoomiye Muungaab ayaa si carro leh uga jawaabay wararka suuqa ku jira ee ah in xilka laga qaadayo, wuxuuna isagoo ka hadlayay shir ka dhacay degmada Shibis uu sheegay in xersiga kursigiisa uu xiran yahay, dadka sheegaya in xilka laga qaadanaya wuxuu ku tilmaamay inay yihiin “DAWACO”

Idale News Online, Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here