Qoraa fariin tiiraanyo xambaarsan u diray madaxweyne Farmaajo

0
197

Muqdisho: (INO) – Xamar waa magaaladda saldhig u ah Dowladda Somalia, waxaa ka jira Tacdiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka kuwaas oo lagu hayo shacabka kunool magaaladan qaniga ah waxaana geysta ciidamada Dowlada Somalia iyo haya’adaha garsoorka dalka.

Madaxweyne Xabsiyada Muqdisho waxaa ay noqdeen goobo lagu iibsado dadka nool waxaana hada ku jira kumanaan ruux oo inta ugu badan ay ku xiran yihiin kiisas been abuur ah oo gacan ku sameys ah oo u badan Shabaabnimo, Caruurta lasoo xiro qaar ayaa laga soo qabtaa goobaha waxbarashada sida School-da iyo jaamacadaha waxaana ay taasi keentaa iney dhaafto daruus badan.

Qoysaska dhalay caruurtaan waxaa la weydiiya lacago baad ah si caruurtooda loo soo daayo qoyskii diida lacagaha ayaa cunugooda lagu xakumaa xabsi waqti dheer ah iyadoo loo sameeyo marqaatiyaal lacag doon ah mararka qaarna dil ayaa lagu xakumaa, jirdilkuna waaba wax malaha sharci ah, Mudane Madaxweyne lama dafiraayo in kiisaska qaar ay run yihiin laakiin waxaa ka badan kuwa ganacsiga laga dhigtay waana arin saameysay ugu yaraan labo ka mid ah sadexdii qoys ee kunool Muqdisho.

Saraakiil ka tirsan Nabad Sugida Somalia ayaa bilaabay iney lacag ka sameeyaan caruurta aad madaxweynaha u tahay ee ubaxa ah, mudane madaxweyne Arinta ugu naxdinta baddan waa iney abuurmeen shabakaddo ka tirsan ciidamada Dowladda kuwaas oo qofka ay soo qabtaan ku marqaati fura hadii reerkiisa laga waayo wixii laga rabay.

Sidoo kale waxaanan la dafiri karin dhibaatada ay qoysasku u maraan iney la kulmaan caruurtooda inta ay xiran yihiin iyo jawaabaha bilaa xushmada ah ee ay bixiyaan dadka madaxda ka ah goobaha dambi baarista iyo xabsiyada, waxaan hubaa Madaxweyne iney hooyooyin badan cuduro waa weyn ku dhaceen sidii ay uga walaacayeen xaalada caruurtooda, mana qarin karo iney maalin walba ku hor ooyaan goobaha lagu xiray caruurtooda iyadoo aysan jirin cid u damqata.

Waxaan rabaa Madaxweyne inaan kaa codsado in aad abuurto waax gaar ah oo adiga toos kuu hoos timaada oo dhageysata dadka lagu gabood falaayo inta aad ka dhiseyso garsoor wanaagsan oo lagu kalsoonaan karo si aad ula socoto dhibka shacabka , (Ogaaw arintaan waxaa ay neceyb badan oo xaga shacabka ah u abuurtay Dowladdii kaa horeysay markii ay indhaha ka qabsatay).

8dii bishaan waxaa la doortay qof ay shacabku aad u rabaan kuna rajo weyn yihiin inuu noqon doono midkii ay kaga gudbi lahaayeen dhibaatooyinka rubaca qarniga daashaday kaasina waa adiga, waa muhiim iney shacabku heleen wax ka badan waxaa ay kaa sugayaan.

Waxaan kaa raali galinaya madaxweyne inaan fariintan Public ka dhigay anigoo aqaana meel aan kuusoo marsiiyo laakiin waxaan ugu talo galay iney shacabku ila xoojiyaan baahida loo qabo inaad arintaan xal fiican u hesho, waxaan rajeynaya inaad baaqa shacabkaaga u dhaga nuglaan doontid.

Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farah
Saxafi Qora Arimaha Bulshada iyo Siyaasada
Email: raafac22@hotmail.com