Waxgarad ka tirsan qeybaha bulshadda Soomaalida ayaa caro ka muujiyey shirkii Jaraa’id ee uu R/wasaaruhu ku qabtay albaabka laga galo Xarunta baarlamaanka Soomaaliya, halkaas oo aheyd jihadii ay ka soo dagaal galeen maleeshiyooyinkii Alshabaab ee shalay soo weeraray baarlamaanka.
R/wasaaraha ayaa goobtii uu weerarku ka dhacay shir jaraa’id ku qabtay, waxaana agtiisa tubnaa meydka dhalinyaradii Alshabaab ee dagaalka lagu dilay. Sawirkaasi waxa uu ka careysiiyey waxgarad fara badan oo fikradooda ku cabiray in ay qalad aheyd in dad meyd ah dushooda shir jaraa’id lagu qabto, ayna tahay in qofku marka uu meydo meydkiisa la asturo.
“Waxaan u aragnaa xilkas darro, in R/wasaarihii dalka meydkii oo meesha waran in uu makaroof qaato, dhaqanka noocaas ahna adduunka waa ka mamnuuc” ayuu yiri mid ka mid ah aqoonyahanada ka hadlay muuqaalkaasi, wuxuuna ku tilmaamay in tillaabadaasi ay isaga ula muuqatay wax lagu yaqyaqsoodo.
“Soomaali badan oo gudaha & dibedda ku dhaqan waxey u arkeen halka uu ka soo dhex muuqday R/wasaare Cabdiweli meel aan wanaagsaneyn. Alshabaab waa soo weerar-tameen, waa la iska dhiciyey, waxaana dagaalkaasi ay guushu ku raacday ciidamadii dowladda oo jilbaha u dhigay in Alshabaab ay gudaha u galaan baarlamaanka, askartii ku dhimatayna waxey mudan yihiin in eheladii iyo caruurtii ay ka tageen ay dowladdu kafaala qaad u sameyso, laakiin tillaabada uu R/wasaaruhu sameeyey waxeey muujineysaa inuu la mid yahay Alshabaab oo aanu waxba ka duwaneyn, waayo iyaga ayaa inta ay dadka dilaan haddana isku sawira. In taleefishinada uu ka soo dhex muuqdo R/wasaaraha isaga oo meyd dultaagan oo korkooda ku khudbeeynaya arrintaasi waxey ceeb ku tahay diinta & dhaqanka Soomaalida” ayuu yiri Abshir Xuseen oo ka mid ah dad fikradooda ka dhiibanayey tillaabada uu sameeyey R/wasaaraha.
Idale News Online.