Buurhakaba(INO)-Mid ka mid ah ilaalada taliyaha amaanka ee degmada Buurhakaba ayaa suuqa degmadaasi waxa uu ku dilay nin shacab ah oo la sheegay in ganacsi uu halkaasi u yimid.
Eng.Keerow Isaaq oo ka mid ah ehlada marxuumka dhintay ayaa Warbaahinta , waxa uu u faah faahiyay qaabka dilkaan uu u dhacay, waxaana uu tilmaamay in amarka ninkaan lagu dilay uu bixiyay taliyaha amaanka Buurhakaba.
“Ninkaan waxa uu ka yimid baadiyaha, Gaari Dameer ayuu sitay, waxaana u saarnaa qoryo si uu usoo iibsado ayuu halkaasi u yimid, waxaana uu rabay wixii uu soo iibiyo in ilmahiisa raashiin ugu gato, waxaa ka hor yimid taliyaha amniga, markaasi ka dib waa lala hadlay hadalkii ayuu fahmi waayay waa nin reer baadiye ah, ul ayaa lala dhacay, markii la garaacay ka dib taliyaha amniga waxa uu amar ku bixiyay in ninka la dilo, meeshii ayaa xabad lagula dhuftay, Meydkiisa waxaa hadda loo qaaday meeshii uu ka yimid” ayuu yiri Keerow.
Dhanka kale maamulka degmada Buurhakaba oo aynu xiriir la sameennay ayaa inoo sheegay in ay ka xun yihiin wixii dhacay, islamarkaana ay kala xisaabtami doonaan ciddii geysatay oo ay jawaab ka sugayaan.
Gudoomiye ku xigeenka degmadaasi Xuseen Maankaalow oo u waramay Goobjoog waxa uu sheegay in shaqsigii dilka geystay aanu wax shaqo ah ku lahayn ciidanka dowladda, hase ahaatee madaxa amniga Buurhakaba uu la ilmo adeer ahaa sidaasna dilka uu ku geystay.
“Ninkaasi ciidamada dowladda ma ahan, waxaa iska soo watay xoghayaha amniga degmada oo ilmo adeer la yahay, qori ayuu usoo dhiibtay oo uu yiri I ilaali, isaga ayaana amarka bixiyay” Maankaalow ayaa sidaasi yiri.
Ciidamada dowladda waxa ay xabsiga soo dhigeen shaqsigii dilkaasi geystay, waxaana socda baaritaanno arintaan la xiriirta.
Idale News Online, Buurhakaba.