Qof Isku Qarxiyay Gudaha Dalka Sacuudiga

0
367

Jiddah(INO)-Nin naftiis hure ahaa oo ismiidamshay ayaa weerar kusoo qaaday saaka aroor hore meel u dhow safaarada Mareykanka ee magaalada Jeddah ee dalka Sacuudi Carabiya.

Sida laga soo xigtay Wasaarada Arimaha Gudaha ee Sacuudiga ninkaa ayaa la sheegay inuu is qarxiyay markii ciidamo nabad sugid ah ay dhankiisa usoo dhaqaaqeen asagoo markaa gaarigiisa kujiray meel gawaarida la dhigo.

Ninkii halkaa ayuu ku dhintay labo askarina waa ay ku dhaawacmeen falkaa labadaa askari oo ka tirsanaa nabad sugida.

Gawaari badan oo halkaa ka ag dhawaa ayaa waxyeelo soo gaadhay.

Af hayeen u hadlay Wasaarada Arimaha Gudaha ee Sacuudiga ayaa sheegay in ninkaasi ay ka shakiyeen askartu markii ay dareemeen in si geyru caadi ah uu u dhaqmaayay asagoo kusugnaa meel aad ugu dhow safaarada Mareyknaka.

Dhacdadaa ayaa timid ayadoo shalay un qarax ka dhacay magaalada Baqdaad ee Ciraaq ay ku dhinteen dad tiradoodu sare u dhaaftay 100 qof.

Gaari weyn oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lagu qarxiyay meel u dhow masaajid dadka Shiicada ah ay ku tukadaan.

Dhimashada ayaa inta la xaqiijiyay haatan gaadhay 124 qof halka 186 qof oo kalena ay dhaawacmeen.

Dalka Ciraaq ayaan rabshado loo caal waayay ka bixin tan iyo sanadkii 2003 markii la riday dawladii Saddam Xuseen.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay