QM: Xaalada raashin yarida Geeska Afrika oo kasii dari kadha

0
230

Muqdisho(INO) QM ayaa sheegtay in maadaama roobab yari ay jirto ay xaalada raashin yarida Geeska Afrika kasii dari karto.

Abaaraha ka jira Soomaaliya ayaa barakiciyay ilaa 135 kun oo qof. Shalay Salaasadii ayaa sidaa waxaa warbaahinta u sheegay af hayeen u hadlay  QM Farhan Haq.

Farhan Haq oo la hadlayay warfidiyeenka xaflad shalay ka dhacday Nairobi oo ay soo qabanqaabiyeen UNHCR, NRC iyo weliba ururo kale oo samo fal ayaa sidaa sheegay qeylo dhaana diray.

“Waxaa si dagdag ah loogu baahan yahay ficil in lagu dhaqaaqo iyo qarash faro badan si macaluul loo baajiyo la mid ah tii 2011,” Haq ayaa sidaa yir.

Sanadkii 2011 ayaa waxaa la sheegay in ilaa rubac malyan qof ay ugu dhinteen macaluul gudaha Soomaaliya.