Nairobi(INO)-Hay’ada Bini’aadanimada Qaramada Midoobay ee OCHA ayaa soo saartay warbixin ay kaga hadleyso horumarka la sameeyay gargaar gaarsiinta dadkii u baahnaa kuwaasi oo ku nool dalal ku yaala bariga qaarada Africa.
Hay’ada ayaa sheegtay in xalaada ammaan ee gargaar ay la hormariyay lix wadan, taasina ay sababtay hoos u dhac ku yimid dadkii u baahnaa gargaarka oo gaaraya 1 milyan oo ruux oo ku nool bariga Africa.
Warbixinta hayada ayaa lagu sheegay in wadamada Soomaaliya, Ethiopia, Kenya, Koofurta Sudan iyo Sudan ay hoos u dhaceen dadkii gargaarka loo gaarsiin waayay dhanka amaanka oo sanadkii hore gaarayay 12.4 Milyan, laakiin hadda ay gaartay 11.4 Milyan.
Waxaa warbixinta lagu sheegay in arintaasi la ogaaday kadib markii qiimeyn dhab ah lagu sameeyay heerka hoos u dhaca amni daradii dhici jirtay xiliyada gargaarka la gaarsiinayay dadka u baahan ee ku nool dalalkaasi.
“Roobab wanaagsan oo da’ay iyo amniga ooo la hormariyay ayaa ka jirta gobolka, waxay taaasi dhalisay in laga faa’ideysto oo dadka gargaarka u baahan la gaarsiiyo sida Soomaaliya iyo Kenya”sidaasi ayaa lagu sheegay warbixinta UN OCHA.
Waxaana taasi ay horseeday in dad badan oo gargaar u baahnaa la gaarsiiyo, ayna hoos u dhacdo tirada dadka gargaarka u baahan ee ku noo wadamada bariga Africa.
Idale News Online, Nairobi.