New-York ( INO)- Isagoo warbixin kooban Xaalada Soomaaliya ka siinayay Golaha Amaanka, ayaa Danjiraha Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Michael Keating waxa uu sheegay in abaaro xoogan ay ka jiraan qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.
Danjire Michael Keating ayaa sheegay in saameynta abaarahaasi laga dareemay Deegaano iyo Degmooyin dhaca Maamulada Puntland, Jubaland iyo Somaliland.
Waxuu shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in wax laga qabto abaarahaan oo saameyn xoogan ku yeeshay Dad badan, kuwaasi oo aan waxba heysan.
Danjiraha Qaramada Midoobay ayaa cod dheer ku sheegay in 320 kun oo da’ahaan ka yar 5 Sano ay wajahayaan nafaqo darri, taasina ay tahay wax aan loo dulqaadan karin balse u baahan in wax laga qabto.
Hadalka Danjiraha ayaa waxuu imaanayaa xili abaaro saameeyay Dadka iyo Duunyada ay ku dhufteen Koonfurta iyo Bartamaha Dalka Soomaaliya.