QM, oo Markale Ku Celisay In Aan La xerin Xeryaha Dhadhaab Ee Dalka Kenya

0
302

New York (INO)—Qaramada Midoobay ayaa markale uga baaqday Madaxweynaha Dowladda Kenya, Uhuru Kenyatta in Xukuumadda Nairobi ay xerto Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab oo ay ku nool yihiin Boqolaal Kun oo Qaxooti ah.

Talaabadan Dowladda Kenya ay ku dooneyso in ay albaada isugu laabta Xeryaha Dhadhaab ayaa lagu tilmaamay mid khatar ku ah Amniga iyo Nabada Gobolka.

Xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee dhawaan gaaray Magaalada Nairobi ayaa u sheegay Warbaahinta in Beesha Caalamka ay ka shqeyn doonto wax waliba oo xal u ah dhibaatooyinka bini’aadannimo ee ka jira Dalka Soomaaliya.

Wakiilka Masar ee Qaramda Midoobay, Abdellatif Aboulatta oo hogaaminayay Wafdiga Golaha Amaanka ee QM ayaa booriyay Madaxweyne Kenyatta in uu u hogaansamo sharuucda Caalamka, iyo soo dhaweynta Qaxootiga ka soo cararaya Dagaalada iyo abaaraha is-biirsaday.

Sidoo kale dhawaan hadal ka soo yeeray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Bank-Mon ayaa loogu baaqay Dowladda Kenya in aysan ku deg degin xeritaanka Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab.

Dhinaca kale, Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR) ayaa ku celcelisay walaaca ay ka muujineyso talaabada Dowladda Kenya ay ku dooneysio in ay albaabada isugu laabto Dhadhaab.

Ugu dambeyn, Hay’addaha u ololeeya Xuquuqul Insaanka ayaa siyaabo kala duwan u cambaareeyay Dowladda Kenya, iyagoona si cad uga soo horjeystay qorshaha Dowladda Kenya ay dooneyso in ay ku xirto xerada ugu weyn caalamka ee Dhadhaab.

Idale News Online, New York

Nagala Soo Xariir Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhabo Janaay