Atens ( INO)- Qaramada Midoobay ayaa Koox Baarayaal ah u dirtay dalka Greece si ay xog dheeraad ah ugu soo ogaadaan Boqolaalkii ruux ee ku qarqamay doonidii Siday Muhaajiriintii u badnaa Soomaalida oo doonidii ay la socdeen ay degtay badda Miditarenian-ka.
Shaqsiyaad la wareystay oo ay ka mid ahaayeen dadkii ka badbaaday doonida degtay ayaa sheegay in Isniintii la soo dhaafay ay mashaqadaasi dhacday , iyagoo xusay in ay arkayeen dad boqolaal ah oo si fool xun ugu geeriyooday biyaha markii doonta degtay.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegay in tirade dhimashada ay gaareyso 400-500 oo badankood Soomaali ah.
Howsha baarista tirooyinka dadka doontaas la socday iyo inta uu la egyahay Khasaraha dhimashada ayaa waxaa ku dhawaaqday Ariane Rummery oo ah Afhayeen u hadashay Laanta Qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR.
Asad Muxuyidiin Cismaan oo ka mid ah dadkii ka badbaaday doontii degtay ayaa sheegay in dadka ay isku buurteen taasoo sababtay in doonta ay quusto wuxuuna intaas ku daray in dadka badan muhaajiriinta ay halkaas ku geeriyoodeen.
Idale News Online, Atenis