QM Oo Cambaareysay Weerarkii Naasa-Hablood Ee Magaalada Muqdisho

0
340

Muqdisho ( INO)-Wakiilada Qaramada Midoobay iyo Ururka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ayaa si isku mid ah u cambaareeyay Weerarkii Cuslaa ee lagu qaaday Hoteelka Naasa-Hablood oo ku yaalla nawaaxiga Isgooyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.

Danjiraha QM u fadhiya Dalka Soomaaliya, Michael Keating ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay weerarkii ay ms’uuliyadiisu sheegteen Xarakada Al Shabaab ee lagu beegsaday Hoteelkaasi.

Michael Keating ayaa sheegay in uu naxay kadib markii uu maqlay in Weerarkaasi uu ku dhintay Burci Maxamed Xamza , Wasiiru Dowlaha Arimaha Deegaanka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Dhinaca kale, Wakiilka Ururka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay Weerarkii Xarakada Al Shabaab ay Shalay ku qaadeen Hoteelka Naasa-Hablood.

Weerarkaan ismiidaaminta ahaa ee ka dhashay khasaaraha dhimasho ee in ka badan 15-ka Ruux ay ku geeriyoodeen  ayaa mid la mid ah waxa ay  1-da bishaan June Xarakada Al Shabaab ay ku qaadeen Hoteelka Ambaasadoor oo ku yaalla wadada Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay