Muqdisho:Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey ayaa maanta heshiis ku kala saxiixday magaalada Muqdisho, iyadoo munaasabada saxiixa heshiiskaas uu goob joog ka ahaa Madaxweynaha Soomaaliya.
Heshiiska oo loogu magac daray SOMA ayaa ah sharciyadii ay ku joogi lahaayeen Qaramada Midoobey Soomaaliya, waxaana uu ahaa mid ay ka wada shaqeynayeen sharciyaqaano labada dhinac ayaa la waafajiyay qawaaiinta iyo shuruucda dalka, iyadoo wixii hada ka dambeeya Qaramada Midoobey sharciyad uga howl galeyso Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle iyo Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicolas Kay heshiiska kala saxiixay munaasabad ka dhacday Madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay munaasabada heshiiska lagu saxiixay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ka go’an tahay inay dhaqan geliso heshiiska.
“Waxaan u mahadceinayaa guddigii ka kala socday QM iyo Dowladda oo in muddo ahba ka soo shaqeynayey heshiiskan oo ah mid sii xoojinaya xiriirka Somalia iyo QM. Dowladdu waa ka go’antahay dhaqangelinta heshiiskan labada dhinac waa saldhiga wadashqeynta iyo gar-gaarka shacabka Soomaaliyeed”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha oo sii hadlayay ayaa yiri “Waxaan ugu baaqayaa hay’adaha caalamiga ah ee ka howlgala Somalia inay hubiyaan in heshiiyadooda aysan dhacsaneyn, isla markaana cusbooneysiiyaan haddii uu ka dhacay. Heshiisyadu waa muhiim oo ah sharciyada muhiimka u ah wada shaqeynta iyo illaalinta danaha shacabka Soomaaliyeed”.
Ugu dambeyn Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in garyaqaanada labada dhinac ay si taxadar ah uga soo wada shaqeeyeen heshiiskan oo ah mid labada dhinacba ay ku wada qanacsan yihiin, isla markaana qeexaya waajibaadka iyo xuquuqaha labada dhinac.
Idale News Online, Muqdisho.