QM: Abaarta oo dhibaato ba’an ku heysa 1.5 malyan oo Soomaalia ah

0
211

Muqdisho(INO)- QM ayaa sheegtay in abaarta Soomaaliya ka jirta ay dhibaato ba’an ku heyso 1.5 malyan oo Soomaalia ah.

In ka yar kala bar dadka Soomaaliya ku nool ayumbaa heli kara adeegyada aasaasiga ah ee caafimaatka. Sidaa waxaa maanta laga soo xigtay hayada caafimaadka ee QM.

Waxay hayada caafimaadka ee QM sheegtay inay dardar galin doonto hawlaheeda ay ka wado gudaha Soomaaliya ayadoo iminka xaalada abaartu kasii dareyso raashin yarina ay ka taagan tahay dalka.

“Soomaaliya iminka waxay ku jirtaa xaalad adag oo abaarta, khatar bay’o iyo la’aanta adeegyo aasaasi ah ay keeneen.” Sidaa waxaa yiri agaasimaha mandaqada Geeska Afrika iyo gobolka Mediterraneanka u qaabilsan WHO  Dr. Mahmoud Fikri.

WHO ayaa sheegtay inaysan hagran doonin wixii tabarteeda ah si wax looga qabto dhibaatooyinka caafimaadka ee iminka ka jira dalka Soomaaliya.

Waxaa kujira dadaalada ay dooneyso WHO inay ka bilowdo Soomaaliya bixinta dawada iyo qalabka caafimaatka ee waliba meelaha abaartu aadka u saamaysay.

In ka badan 400, 000 oo dadka tabaaleysan ah ayaa waxay yihiin carruur nafaqo darro ku dhacday.

QM ayaa codsatay  $825 malyan oo la doonayo in abaarta wax looga qabto nuska hore ee sanadkaan  2017.