Dhageyso:Qaxooti Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Duqeyn Ka Dhacday Dalka

0
256

Sanca (INO) — Wararka aan ka helayno dalka Yemen ayaa waxay sheegayaan in Qaxooti Soomaali ah lagu dilay Duqeyn dhanka Cirka ah oo ka dhacday Meel u dhaw Magaalada Sanca.

Teaser Image Qaxooti Soomaali ah oo lagu dilay Duqeyn ka dhacday Yemen

Qaxooti gaaraya 40 oo la socday Gaari ay kasoo raaceen Xerada Al Qarax ayaa waxaa lagu dhuftay Gantaal Diyaarad ay soo riday, kaasi oo galaaftay Nolosha dhamaan Dadkii la socday Gaari, oo ay ku jireen Tiro Caruur ah.

Halkan Ka Dhageyso.

Dadkana ayaa kasoo carararay Duqeymaha ka socda dalkaasi, waxaana ay ku jiraan Mudo Sanado ah Xerada Al Qarax oo hadda kamid noqotay Goobaha Diyaaradaha ay bartilmaameedaanayaan.

UNHCR ayaa sheegtay in ay jiraan Qaxooti badan oo Soomaali ah oo lagu dilay Duqeymaha ka socda Yemen, waxaana ay ugu baaqday Dowladaha Sacuudiga ugu horeeyay ee Weerarada kawada Yemen inay joojiyaan Duqeymaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay dhawaan inay Maraakiib u dirtay Cadan, si ay usoo daadgureen Shacabka Soomaaliyeed.

Idale News  Online – Sanca

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here