400 Oo Qaxooti Ah oo shalay magaalada Boosaso Gaarey

0
262

Bosaaso(INO) — Dekedda magaalada Boosasso waxaa shalay galab kusoo xiratey doon siddey in ka badan 400 oo qof oo kasoo qaxay dalka Yemen.  Dadkan oo isugu jirey rag, dumar iyo carruur ayaa u badan Soomaali, waxaase ku jirey ku dhowaad soddon qof oo isugu jirey Yemeniyiin, Jabuutiyaan, Keenyaati iyo Itoobiyaan.
3
Xilligii doontu soo xiraneysey waxaa dekedda ku sugnaa mas’uuliyiin dowladda ka tirsan oo ay kamid ahaayeen, wasiirka dekedaha, wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha, duqa degmada Bosaso, taliye ku-xigeenka booliska Bari, isimmo iyo xubno ka socdey hay’adaha Bisha Cas iyo IOM.

4

Kooxaha caafimaadka ayaa gurmad deg deg ah u fidiyey dad isugu jirey naafo iyo waayeel, waxaa sidoo kale cunto fudud la siiyey muhaajiriinta oo loo qaybiyey labo qaybood. Ragga si gaar ah ayaa loo soocey dumarka iyo carruurtana hal goob ayaa laysugu geeyey.

5
Markii u dhammadey baaritaanku, waxaa dadkan lagu daad gureeyey gawaari horay loosu sii diyaariyey, waxaana la geeyey goob la qorsheeyey in qaxootiga Yemen kasoo cararayaa si kumeel gaar ah u joogaan.

109

Saddexdii todobaad ee ugu dambeeyey waxaa xeebaha Puntland soo gaarey in ka badan 1200 oo qof. Badi dadkaasi waxay kasoo degeen magaalada Bosaso, balse qaar kale oo la socdey doomo yaryar ayaa gaarey degmooyinka Gumbax, Bareeda iyo Tooxin oo dhammaantood ka tirsan gobolka Gardafuu.

Idale News Online, Bosaaso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here