Tirabuli(INO)- Doon ka sameysan alwaax islamarkaana ay saarnaayeen tahriibayaal Afrikaan ah oo xad-dhaaf ah ayaa waxa ay ku qarqantay badda Libya, waxaana ku dhintay ilaa iyo 22 ruux.
Doonta ayaa waxaa saarnaa dad kor u dhaafaya kun, waxaa mar ay liicday ka dhacay tiro dad ah oo intooda badan lasoo bad-baadiyay.
Sawir-qaadaha ayaa doonta ku dhex arkay meydka ilaa iyo 22 ruux oo tahriibayaal ah kuwaas oo siyaabo kala duwan u geeriyooday.
Wali waxaa socda socdaalka qaxarka ah ee loo marayo qaaradda Yurub oo ay tahriibayaashu u halligayaan naftooda.