Idalenews:
Howlo loogu gurmanayo dadka ay saameeyeen duufaanihii ku dhuftay gobolo kamid ah Mareykanaka ayaa soconaya, iyadoo la soo badbaadiyay dad gaaraya Ilaa 2,000 oo qof kuwaasi oo ku xanibnaa magaalooyin kuyaala Gobolka Taxes, gaar ahaan magaalada Houston .
Duufaantaasi ayaa intii ay socotay waxaa ka dhashey qasaare naf iyo maalba leh, inkastoo ay adag tahay in la ogaado xadiga qasaarahaasi.
Guddoomiyaha Gobolka Texas ee Mareykanak , Greg Abbot, ayaa ku tilmamay duufaantaasi oo lagu magacaabo Harvey in ay tahay midi ugu xooganayd oo abid soo marta, wuxuuna intaasi ku daray in ay adagtahay in la ogaado qasaaraha rasmiga ah.
War ay soo saartay hay’adda Saadaasha Hawada Mareykanka in Jawigu uu yahay mid ka weyn in la saadaaliyo, balse ay jirto cabsi ku aadan in ay sii xoogaysato duufaanta aana socon Karin Gaadiidka.
Dadweynaha laga soo badbaadiyaya Duufaantaasi ayaa dib u dejin loogu sameeyey Garoomo iyo xarumo loogu talagalay in lagu daryeelo.
Ku dhawaad 250 waddo oo dhexmartay Gobolkaasi Taxes ayaa gebi ahaanba la xirey, Guddoomiyaha Gobolkasi ayaa ugu baaqey Dowladda Federaalka Mareykanka in gurmad deg deg ah ay la soo gaarto 19 degmo oo Gobolkaasi kamid ah.
“Waxaanu la daalaa dhacaynaa mashaqada roobabka ka da’aya saddex jiho oo ay meelaha uu ka da’ayona ka mid yihiin magaalooyinka Houston, Victoria iyo Corpus Chiristi, dadku waxay u baahan yihiin gargaar, lama xaqiijin karo weli qasaaraha inta uu la egyahay, balse gurmad ayaa soconaya”, Ayuu yir Guddoomiyaha Gobolka Taxes.
Madaxweynaha Mareykanka Donal Jey Trump ayaa gar gaar ugu yaboohay dadka kunool gobolada ay Duufaantaasi ku dhufatay, wuxuuna dhawaan uu ku dhawaaqay in ay tahay arrintan musiibo Qaran.