Qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo beryahan ku soo badanaya Magaalada Muqdisho

0
220

Magaalada Muqdisho oo amnigeedu soo hagaagaayey bilihii ugu dambeeyey, sidoo kalena in muddo ahna aan lagu arag qaraxyo iyo dilal is xigxiga oo maalin kastaa dhaca, ayaa waxii ka dambeeyey doorashadii Madaxtinimada Soomaaliya waxaa amaankeedu u muuqdaa mid faraha ka sii baxaaya oo cabsi galiyey dadkii faraha badanaa ee dalka dib ugu laabanayey iyo weliba dareenka guud ee shacabka ku dhaqan magaalada oo iyagu wax xoogaa ka nastey qaraxyada, hoobiyayaasha iyo xabadaha.

Shaley ayaa waxaa Baar ku yaala bartamaha magaalada Muqdisho lagu diley ku dhowaad 22 qofood isla markaasna ay ku dhaawacmeen tiro intaas aad uga badan  kuwaas oo ay geysteen 2 nin oo la sheegey in ay ku xirteen walxaha qarxo. Waxaa ka sii horeeyey oo isla maalintaas galinkeedii hore 10 hoobiye lagu weerarey xili hore oo salaadii subax ku beegneyd degmooyinka C/casiis iyo Boondheere, kuwaasoo qasaaro naf iyo maalba leh u geystey shacab oo aan waxba galabsan oo xiligaas guriyahooda ku sugnaa.

Waxaa kaloo jirtey in maalin cad lagu dilo wariye u shaqeeya idaacada maxaliga meel u dhow Baar Ayaan agagaarka degmada Wardhiigley iyo dilal kale oo xaafada buulo xuubeey loogu geystey 2 qofood oo shacab ah iyadoo dhamaan dadkii dilalkaas qorsheysan ay baxsadeen.

Lama oga cida ka dambeysa dilalka iyo qaraxyada qorsheysan ee lagu waxyeeleynaayo shacabka aan waxba galabka iyo dadka waxgal u ah bulshada Soomaaliyeed ee ku soo badanaaya magaalada Muqdisho, ciidanka booliiska iyo ha’yadaha Nabad sugida uma muuqdaan kuwa shaqadooda si habsami leh u qabsada. 

Dadka qaarkii ayaa la xiriirinaaya dilalkaan qorsheysan iyo qaraxyada ku soo badanaaya magaalada caasmimada ah ee Muqdisho iney ku lug leeyihiin siyaasiyiin ku guul dareystey doorashada Madaxtinimada iyo kuwa kale oo ka shaqeynaaya in isbaaro u dhigtaan dowlada Federaalka Somalia si aysan u gaarin himilooyinkeeda ah in  muddadaan 4ta sano ee soo socota uu dalku gaaro doorashooyin xor ah oo xalaal, sidaas looga maarmo qaabka wax qeybsiga beelaha iyo laaluush uu dalku ku soo jiray in ka badan 20 sano.

Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tani waxay u tahay tijaabo lagu eegaayo sida ay waxa uga qabato arrimaha amaanka iyo horumarka ay dadka soomaaliyeed uga fadhiyaan, isla markaasna gacan bir ah kala hortagto kuwa diidan in dalku yeesho kala dambeyn iyo horumar waara.

Idale News Muqdisho
Siyad Macalin Axmed siyad_macalin@hotmail.com