Qaraxyo & Dagaal ka socda Hotel ku dhaw Madaxtooyadda Soomaaliya

0
232

Muqdisho (INO) — Qarax & Rasaas Culus ayaa ka socda Hotel ku yaalla meel ku dhaw Madaxtooyadda Villa Somalia ee Muqdisho.

breakingIdaleNews

Wararka ayaa sheegay in Koox hubaysan oo loo maleynayo inay Al shabaab yihiin ayaa Weerar Qarax ku billowday ku qaaday Hotelka Central Hotel ee Muqdisho, halkaasi oo Xubno kamid ah Xukuumadda & Baarlamaanka ay ku sugnaayeen.

Goobjoogiyaal ayaa u sheegay  Idale News Online in Qaraxyada ay ahaayeen Labo, waxaana Dadka dhaawacmay ku jiray C/qaadir Cali Cumar iyo Jangali, oo horey Wasiir usooo noqday haddana ah Xildhibaan.

Ciidan badan ayaa gaaray Goobta, oo u dhaw Xaawo Taako, waxaana ay xireen Wadada Tiyaatarka ilaa Villa Soomaaliya. Dhimasho iyo dhaawac badan ayaa jira, inkastoo aan Tirada la ogeyn.

Fah Faahin filo Goordhow.

Idale News Online – Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here