Qarax weyn oo ilaa hadda aan la ogaan waxa uu ka dhashay ayaa ruxay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, iyadoona Raadiyaha dalkaasi uu sheegayo baaritaano in la bilaabay.
Wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganeysa Idaacadda ku hadasha afka maamulka Itoobiya ayaa sheegtay in 2 ruux ay ku dhinteen qaraxaas oo waqti danbe oo shalay ah ka dhacay dagaan lagu magacaabo Bole oo ay ku badan yihiin dadka Soomaalida.
Sababo ku aadan saxaafadda oo aad looga caburayo dalka Itoobiya, waxaa adag in la helo xog faah faahsan oo ku aadan sida ay wax u dhaceen, iyadoona ilaa hadda aan la garaneyn heybta dadka ku dhintay weerarkaasi.
Idaacadda dalka Itoobiya oo soo xiganeysa kooxaha Sirdoonka ayaa sheegtay in baaritaano ay hadda soconayaan si loo ogaado qaraxa iyo waxa sababay, laakin wariye jooga magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in aan lagu kalsoonaan Karin hadalka dawladda maadaama ay caburiso saxaafadda.
Dawladda Itoobiya ayaa qeyb ka ah dawladaha ciidamadeedu ay ku duuleen dalka Soomaaliya kuwaas oo mar waliba ka cabsi qaba weeraro aargudasho ah iney kaga yimaadaan dhanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo shisheeyaha ka difaaceysa gayiga Soomaaliya.
Bishii hore ayay aheyd markii Al-Shabaab ay weerar dhiig badan ku daatay ka fulisay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxaana ilaa hadda laga cabsi qabaa weeraro nuucaasi oo kale ah iney ka dhacaan dalal dhowr ah oo ku yaalla Geeska Afrika.
Idale News Muqdisho