Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay degmada Afgooye

0
302

Afgooye(INO)— Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku geeriyootay qarax bambaano oo maanta duhurkii ka dhacay suuqa xoolaha degmada Afgooye, iyadoo qaraxa lala beegsaday ciidamo canshuur ka qaadayay halkaas.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay rasaas fureen, kadib markii qaraxa bambaano lagu weeraray, waxaana hakad galay dhaq dhaqaaqii ganacsi ee suuqa.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in saddexda ruux ee geeriyootay uu ku jiro askari ka mid ahaa kuwii canshuurta qaadayay, halka afar kalena ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale waxaa ay waxyeelo soo gaartay xoolo dhowr ah oo ka mid ahaa kuwii lagu iibinayay suuqa, iyadoo maalinta Arbacada uu aad u camiran yahay suuqyada Afgooye.

Maamulka degmada Afgooye ayaa wali wax war ah ka soo saarin qaraxan, iyadoo ciidamo ka tirsan kuwa booliska oo gaaray halka qaraxa ka dhaceen ay baaritaan ka sameeyeen, inkastoo aan la sheegin in dad u soo qabteen iyo in kale.

Idale News Online, Afgooye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here