Waxaa Qarax Miino Magaalladda Kismaayo lagula eegtay Ciiddamo ka tirsan kuwa AMISOM ee Magaalladaasi nabad galyadda u joogo.
Wararka Magaalladaasi naga soo gaarayo ayaa waxa ay sheegayaan in Ciiddamadda Qaraxa lagula beegsaday Xaafadda Via-Afmadow, halkaasi oo ay Ciiddamadu Socdaal ku maraayen.
Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu ka dhacay xaafadda Via-Afmadow, waxa ayna wararku sheegayaan in Qaraxaasi uu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga maamulo.
Qaraxa ayaa waxa uu geystay Khasaaro ba’an iyadoona aan weli la garaneynin Khasaaraha dhabta ah ee Qaraxaasi Ciiddamadda kasoo gaaray.
Ugu dambeyntii, Qaraxa kadib sida caadadaba aheyd waxaa goobta gaaray Ciiddamadda Dowladda Somalia oo durbaba xiray goobta uu Qaraxa ka dhacay waxaana la filaaya in gowr dhow la shaaciyo Khasaaraha rasmiga ah.
Idale News Muqdisho